Ra'iisal Wasaaraha Oo Soo Kormeeray Qeybo Ka Mid Ah Warshaddaha Iyo Beeraha Dalka Burundi.*Daawo Sawirada*

0
photo (29)Bujumbura (AGGM): Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalintii labaad ku sugan magaalada Bujumbura ee dalka Burundi ayaa soo kormeeray qeybo ka mid ah mashaariicda horumarineed ee ka soconaya dalka Burundi.

Kormeerkan ayaa waxa ku wehliyay Wasiirka gaashaandhiga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi, Marwo Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Burundi Abshir Xasan Abshir Faarax, xubno la taliyeyaal ah iyo wasiiro ka tirsan dawladda Burundi.

Ugu horeyntii Ra’iisal Wasaaraha ayaa kormeerkiisa ka bilaabay Warshada Saliida cuntada oo ku taala degaanka Rumonge ee gobolka Bururi, waxaana uu soo indha indheeyey qeybaha Warshadda, isaga oo warbixin ka dhegeystay saraakiisha maamulka ee mashruucan si feynta saliida (Palm Oil).

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale soo kormeeray qeybo ka mid ah Beeraha gobolka, maadaama shacabka dalka Burundi uu ku tiirsan yahay tacbashada Beeraha iyo wax soo saarkooda. waxaan sidoo kale uu kormeeray goobo dalxiis iyo biyaha Harada (Lake Victoria).

Gabagabadii kormeerkiisan ayuu Ra’iisal Wasaare Saacid oo warbaahinta la hadlay ku tilmaamay wax faano horumarka ay sameynayaan shacabka Burundi, gaar ahaana horumarka ay ka sameeyeen Beeradashada iyo Warshaddaha.

“Iskaashatada tuulooyinka iyo degaanadu, waa sida kaliya ee lagu kobciyo dhaqaalaha dalka iyo wax soo saarka, waana ku faraxsanahay inaan arko sida reer Burundi uga faa’iideysanayaan kheyraadka dalkooda” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo xusay in dal kasta oo ku tiirsan yahay wax soo saarkiisa gudaha.

Dhanka kale, Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa xalay lagu casuumay casho sharaf uu u sameeyey madaxweyne kuxigeenka dalkan Burundi Terence Sinunguruza, waxaana cashadan lagu casuumay safaaraddaha iyo madaxda hay’addaha ee dalka ka howlgasha.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/02/maxaan-dowladnimooy-ku-tebay.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

photo (29)photo (27)

photo (28)

photo (32)

2

1

photo (34)

photo (33)

3

photo (30)

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Bujumbura, BurundiIsha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com