Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil Oo Beeniyay In Uu Yiri “Xubno Kismaayo Jooga Ma Imaan Karaan Gobolka Gedo”.

0

Kaliil2Garbahareey (AGGM):Kaddib markii maalintii shalay ay qaar shabakadaha ay Soomaalidu maamulaan ka mid ah faafiyeen war sheegayay in guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil uu yiri “xubnaha gobolka Gedo kasoo jeeda oo ka qeyb galaya shirka Kismaayo kuma soo noqon karaan gobolka Gedo”, ayaa waxay maanta shabakadda Allaglgaduud Media arrintaas wax ka weydiisay guddoomiye Kaliil oo ku sugan xarunta gobolka Gedo ee Garbahaarey.

Wareysiga ay Allgalgaduud Media la yeelatay Kaliil ayaa u dhacay sida soo socota:

Su’aal:  Guddoomiye, waxaa jira warar sheegaya in aad tiri “xubnahii ka socday gobolka Gedo ee ka qeyb galay shirka Kismaayo kuma soo noqon karaan gobolka Gedo ee arrintaas maxaa ka jira?”

Jawaab:  Way jirtaa in aan marar dhowr ah qolyooyin ila soo xariiray ay wax iga weydiiyeen xaaladda gobolka iyo shirka Kismaayo ka socda ana aan uga jawaabay su’aalihii ay i weydiiyeen, balse wax jira ma ahan in aan iri “xubnahii ka tagay gobolka Gedo ee ka qeyb galaya shirka Kismaayo kuma soo noqon karaan gobolka Gedo.”

Su’aal:  Haddiiba ay dhacdo in xubnahaas aad sida weyn u kala aragtida duwan tihiin ee Kismaayo ku sugan ay yimaadaan gobolka Gedo, maxuu maamulkiinu sameynayaa?

Jawaab:  Horta anaga hadaan nahay dadka maamulka gobolka hayo iyo xubnahaasba waxaan nahay muwaadiniin u wada dhashay gobolka oo qof walba markuu rabuu gobolka ka bixi karaa, markuu rabana wuu kusoo noqon karaa oo qof-qof kale ka leh gobolka ma jiro. Ayada oo ay taas jirtana, waa iska caadi oo dadku fekerka iyo siyaasaddaba waa lagu kala gedisnaan karaa, balse waxa kaliya ee loo baahan yahay in la ogaado ayaa ah inuusan jiri karin qof sharciga ka sareeya oo deganaashaha gobolka khal-khal gelin kara, ama maamulka gobolka iyo kan dowladda dhexaba intuu ka hor yimaado ku biiri kara koox ama Urur laga yaabo in ay kasoo horjeedaan maslaxadda guud ee Qaranka Soomaaliyeed iyo iyo tan Gobolkaba.

Su’aal:  Adigu hadda mar haddii aad tahay Gudoomiyaha rasmiga ah ee ay gobolka Gedo, maxuu yahay qorshahaaga ku wajahan 6-da bilood ee aad xilka gobolka hayn doonto?

Jawaab:  Horta magacaabista cusub ee Guddoomiyaha gobolka Gedo la’ii magacaabay waxay dhacday dhowr todobaad ka hor.  Howl aad u baaxad weyn baa na hor taala oo ay ka mid tahay in degmooyinka gobolka ee wali gacanta Al-shabaab ku jira laga xoreeyo, in aan sugno amniga gobolka, in aan dib u habeyn ku sameyno dhismaha maamulka gobolka iyo in aan mudada gaaban ee 6-da bilood ah u diyaar garowno sidii ay gobolka Gedo uga dhici laheyd doorasho xor ah oo qof kasta oo gobolka Gedo u dhashay uu isu soo sharixi karo.

Su’aal: Inkasta oo aad marar hore ka hadashay mowqifkaaga ku wajahan dhismaha maamul goboleedka Jubbaland oo hadda loo fadhiyo Kismaayo, sidee waqtigaan la joogo maamulka aad adigu madaxda ka tahay u arkaa qorshahaas socda ee maamul goboleedka?

Jawaab:  Ilaa iyo hadda ma jirto wax iska badalay mowqifkayagii hore ee aan marar badan ku cel-celinay oo ah in aanan anagu aaminsaneyn shirkaas iyo waxa kasoo bixi doonaba, waayo, xubnaha shirkaas hor boodaya ayaa waxay si cad uga hor yimaadeen una diideen talooyinkii dhaxal galka ahaa ee ay inta badan bulshada ku dhaqan gobolada Jubbooyinka usoo jeedinayeen iyo waliba tii mas’uuliyiinta sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay usoo jeediyeenba.

Su’aal:  Adiga oo fursadaan ka faa’ideysanaya, ma jirtaa wax fariin ah oo aad u direyso guud ahaan bulshada ku dhaqan gobolada Jubbooyinka iyo gaar ahaan gobolka Gedo?

Jawaab:  Haa, waxaan jeclahay in aan kula dar-daarmo in ay ku dadaalaan adkeynta midnimada iyo amniga, maxaa yeelay haddii ay meesha ka baxaan labadaas, waxaa xaqiiq ah in aanay dhici karin in la gaaro nabad ku wada noolaasho iyo horumar taam ah oo ay gaaraan gobolada Jubbooyinka. Tan kalena, waxaan u sheegayaa bulshada Jubbooyinka in ay iska iloobaan ka mid noqoshada dhismo maamul goboleed aanan ku imaanin rabitaanka shacabka iyo ogolaashaha dowladda dhexe ee Federaalka Soomaaliya.  Waxaan leeyahay qorshaha ugu fiican ee lagu dhisi karo maamul goboleedka waa in marka hore la xoreeyo gobolada wali ku jira gacanta Al-shabaab, kaddibna la’isugu yeero odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo aqoon yahanada kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka si ay si wada jir ah ugu dhistaan maamul ay heshiis ku yihiin oo ay dowladdoodana raali ka tahay.

Filo wareysi cod ah haddii uu Rabbi idmo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com