Warsaxaafadeed: Ra'iisal Wasaaraha Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad Ee Dalka Burundi.*Daawo Sawirada*

0
photo (23)Bujumbura (AGGM):Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweyne kuxigeenka koowaad ee dalka Burundi Terence Sinunguruza, waxayna labada mas’uul ka wada hadleen iskaashiga labada wadan, gaar ahaana ammaanka iyo horumarka.
 Kulankan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ee madaxweyne kuxigeenka koowaad, ayaa waxaa kale oo ka qeybgalay Wasiirka Gaashaandhigga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi, safiirka Soomaaliya u fadhiya Burundi Abshir Xasan Abshir Faarax.
Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa ugu horeyntii uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyey, wuxuuna dhanka kale ku ammaanay dawladda Burundi inay tahay dawlad ugu deeqday dalka Soomaaliya ciidamadeeda, kuwaasoo dhiigooda u daadiyay la dagaalanka argagixisada Soomaaliya.
“Waxaan ku rajo weynahay inaan si dhaqso leh u hanano amniga iyo xasiloonida dalka oo dhan, si loo xaqiijiyo maamul wanaag iyo adeega bulshada” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Saacid.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa ka codsaday dawladda Burundi in ay sii laban laabto taageeradeeda dalka Soomaaliya.
Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee dalka Burundi Terence Sinunguruza ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay xaaladda soo hagaageysa ee dalka Soomaaliya iyo horumarka ay sameyneyso dawladda Soomaaliyeed. wuxuuna carabka ku adkeeyey in ciidankoodu ay sii joogi doonaan Soomaaliya inta laga xaqiijiyo nabadda.
“Soomaaliya iyo Burundi waxay soo mareen marxaladdo adag oo dagaalo sokeeye ah, balse waxaan ku faraxsanahay soo kabashada aad sameyneysaan, dhankeena waxaan idiin balanqaadeynaa inaan sii wadi doono taageerada ciidan, tan iyo inta laga nabadeynayo Soomaaliya” ayuu yiri madaxweyne kuxigeenka Burundi.photo (21)photo (23)

photo (24)

photo (26)

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Bujumbura, BurundiIsha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com