Dab Baabi’iyay Dukaamo Ku Yaal Ceelasha Biyaha.

0

dabCeelasha Biyaha (AGGM):Dab ka kacay xalay suuq ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa baabi’iyay ku dhowaad toban dukaan oo qaar ka tirsan dadka deegaanka ay lahaayeen.

Dabka oo ilaa haatan la garaneyn waxa uu ka dhashay ayaa ka kacay maqaayad ku taalla deegaanka Ceelasha Biyaha, wuxuuna markii dambe ku fiday oo uu baabi’iyay dukaamo u dhowaa maqaayadda.

Qaar ka tirsan dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ku dhowaad toban dukaan uu baabi’iyay dabka, waxaana ku gubtay hanti badan oo goobahaas yaallay.

Isku soo wada duuboo Ilaa hadda si rasmi ah looma garanayo inta ay la eg tahay hantida ku gubatay dabka, Xilli dambe oo xalay ah ayay dadka deegaanka ku guuleysteen daminta dabka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com