Warsaxaafadeed: Ra'iisal Wasaaraha Oo Caawa La Kulmay Jaaliyadda Kampala, Kana Codsaday Inay Qeyb Ka Qaataan Dib U Dhiska Dalka.*Daawo Sawirada*

0
SAM_2767 (2)Kampala (AGGM): Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo labadii cisho ee ugu dambeysay ku sugnaa magaalada Kampala ee dalka Yugandha, lana kulmay madaxda sar sare ee dalka sida madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa kulamadaasi kadib, waxa uu kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Kampala.
Munaasabad casho ah oo ka dhacday caawa Hotelka Laburnam ayaa waxaa ku wehliyay Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi, Marwo Xildhibaan Caasha Xaaji, Safiirka safaaradda Yugandha Sayid Axmed, u qeybsanaha dalka Yugandha ee arrimaha Millateriga Gen. Mugisha iyo marti sharaf kale.
Ugu horeyntii, Drs. Amina Axmed Warsame oo ka hadahay munaasabadan cashada ah ayaa uga mahadcelisay Ra’iisal Wasaaraha fursadan uu u siiyay kulankaan, waxayna jaaliyadda ku boorisay in la taageero dawladda Soomaaliyeed.
“Anigu dawladihii hore mucaaradbaan ku ahaa, maxaa yeelay dalka dibdiisa ayaa lagu soo dhisayay, balse dawladdan waxaan ku taageerayaa dalka gudihiisa ayaa lagu dhisay anaga ayaana gacmaheena ku dhisanay” ayay tiri Drs. Amina oo xustay in sababta labaad ee ay ku taageertay ay tahay in Ra’iisal Wasaare Saacid uu noqday Ra’iisal Wasaarihii ugu horeeyey ee booqashadiisa ka bilaaba gobolada dalka, una kuurgalay xaaladda bulshada mid amni, dhaqaale iyo horumarba.
Ra’iisal Wasaare Saacid oo goobta ka hadlay ayaa warbixin dheer ka siiyay Jaaliyadda dadaalada dawladda ee ku aadan xasilinta iyo nabad ku soo celinta dalka, wuxuuna si gaar ah uga warbixiyay safaradii uu ku tegay gobolada dhexe, iyo kuwa kuufureed, isaga oo xusay in dawladdu ay muhiimada koowaad siisay dhegeysiga talada dadka.
“Runtii dadka Soomaaliyeed iyaga ayaa gacantooda ku burburiyay dalka, iyaga ayaana laga doonayaa inay gacantooda ku dhistaan dalka” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo ku booriyay Jaaliyaddaha Soomaaliyeed inay dalka dib ugu laabtaan, kana qeyb qaataan dib u dhiska iyo horumarka.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale jaaliyadda u caddeeyey inay lagama maarmaan tahay taageerada shacabka meel kasta oo ay joogaan.
“Muqdisho maanta waa nabad, waxaana niyaada maalin kasta 8 duulimaad oo diyaarado ah, kuwaasoo sida dad dalka dib ugu soo laabanaya” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo dhanka kale ka codsaday ganacsatadu inay noqdaan dadka ugu horeeya ee maalgashi ku sameeya dalka, si loogu daydo.
Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaaraha ayaa u mahadceliyay dadkii soo qaban qaabiyay xaflada caawa uu kula kulmay Jaaliyadda, gaar ahaana howlwadeenada safaaradda Soomaaliyeed ee Yugandha, sida Safiir, Qunsulka iyo xoghaha koowaad, wuxuuna dhanka kale u mahadceliyay maamulaha Laburnam Court LTD Marwo Aamina isaga oo ku ammaanay horumarka ay ka sameysay dhanka ganacsiga.

SAM_2767 (2)

SAM_2732 (2)

SAM_2761 (2)

SAM_2756 (2)

SAM_2745 (2)

SAM_2743 (2)

SAM_2723 (2)

SAM_2719 (2)

SAM_2715 (2)

SAM_2705 (2)

SAM_2703 (2)

SAM_2698 (2)

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office

Kampala, Uganda

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com