Xuuraanta Maanta Ee Magaalada Kismaayo Iyo Ragg Isku Heeysta Inay Noqdaan Madaxweyne Ku Xigeenka Jubbaland.

0

cali madoobeKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in magaaladaasi ay ka socdaan isxaglin iyo is riix riix siyaasadeed oo la xiriira ninka noqonaya Madaxweeyne ku xigeenka Jubbaland.

Waxaa isxaglin iyo is riix riix siyaasadeed oo xoogan u dhexeeya sadexda nin ee kala ah Gen. Cali Madoobe, Col. Yaasiin Indharaadeer iyo Sheekh Awlibaax.

Sadexdan nin ayaa waxa ay kamid yihiin xubnaha sida aadka ah ugu xusul duubaya in la yagleelo maamul lagu magacaabo Jubbaland, waloow nin walbaahi uu hoosta ku wato xulufo uu isku haleenayo amaba ay kala dhaxeeyaan dano gaar ah.

Gen. Cali Madoobe ayaa waxa uu xiriir dhow la leeyahay Prof Gaandi oo uu ku xisaabtamayo haduu ku soo baxo doorashada inuu isagu noqon doono Madaxweeyne ku xigeenkiisa.

Col. Yaasiin Indho Raadeer ayaa isna dhinaca kale waxa uu xiriir dhow la leeyahay Axmed Madoobe oo ay dagaal u soo wada galeen sidii loo xoreeyn lahaa magaalada Kismaayo, waxa uuna aaminsan yahay in haduu Axmed madoobe noqdo Madaxweeyne uu isaguna noqon doono Madaxweeyne ku xigeenkiisa.

Haddaan u soo laabano dhanka Sheekh Awlibaax ayaa isaguna waxa uu kamid ahaa saxiixayaashi Road Map-ka waxa uuna xiriir dhow la leeyahay madaxweeynaha mamaulka Puntland, waxa kale oo uu kamid ahaa saxiixayaashi Jubbaland, waxa kale oo uu xiiriir dhow la leeyahay Axmed Madoobe waxa uuna aaminsan yahay haddii Axmed Madoobe ku soo baxo Madaxweeynaha Jubbaland in uu isagu noqonayo madaxweeyne ku xigeenkiisa.

Waloo raggan dhamaantood ay shaaciyeen inay yihiin musharixiin u taagan qabashada xilka Madwxeyne ee Jubbaland baa haddana meesha aysan ka marneen inaysan noqoneeyn Madaxweeyne ee ay u tartamayaan Madaxweeyne ku x igeen.

Waxaa sidoo kale isna u xusul duubaya inuu noqdo Madaxweeyne ku xigeen Ex Danjire Xildhibaan Magan oo isna xiriir wanangsan oo dhow la leh Maxamed Ugaas Xaashi, sidoo kale Maxamed Ugaas Xaashi baa isna xiriir dhow la leh Mr. Faroolaha Puntland.

Dhinaca kale waxaa jira Rag iyaguna daneenaya inay u tartamaan inay noqdaan madaxweeynaha Jubbaland, balse qaarkood waxa ay ku xaniban yihin magaalada Muqdisho kadib marki hanjabaado la xiriira amaankooda loo diray iyagoo ku sugan magaalada Muqdisho.

Isku soo wada duuboo arrintan ayaa dadka badankii waxa ay u arkaan amaba ay ku micneeyeen inay tahay Ihaano iyo meel ka dhac loo geeysanayo qoowmiyad dhan oo Soomaaliyeed awoodna ku leh deegaanada Jubbooyinka islamarkaana  xaq u leh inay hogaanka Jubbaland qabato, halka dadka qaarkiina ay aaminsan yihiin in ujeedka raggan oo dhan uu yahay mucaaradnimo loo hayo xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Filo Dhawaan Xogo Dheeri Ah Iyo Sawiradda Ragg Kale.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com