Maxaa Sababay Baaqashada Shirka IGAD Maxaase La Filan Karaa?

0

top newsAddis Ababa (AGGM): Wararka naga Soo gaaraya Caasimada dalka Itoobiya ee Addis ababa oo lagu waday inuu ka dhaco Shir looga hadlayey Ammaanka Soomaaliya iyo shirkii Caadiga ah ee Waddamada barriga afrika ee ku bahoobay IGAD oo Baaqdey.

Shirkan ayaa waxaa loo baajiyey dalab ka yimid dalka Kenya, ka dib markay Oggaadeen in wafdiga Soomaaliya ay Gudbiyeen warqad dacwo ah oo ka dhan ah Kenya inay Faragelin ba’an ku hayso Ammaanka Soomaaliya ayna ka Abuurayso Xiisado Colaadeed, iyadoo iska hor keenaysa qaybo ka mida Bulshada Soomaaliyeed oo heshiis hoosaad kala dhaxeeyo iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Haddaba Kenya ayaa ku andacoonaysa in la caleemo saaraya Madaxweynaha Cusub ee ku guulaystay Doorashada Dalka kenya ee dhawaan ka dhacday.

Wararkan oo aanu ka helnay illo Muhiima ayaa waxay doonaysaa inay Kenya si degdeg ah uga hirgeliso Maamul loogu yeero Jubbaland Koonfurta Soomaaliya oo iyada hoos yimaada kana amar qaata dad iyada u ah madiidina ay hawshaas u fuliyaan, Kenya ayaa ku cadaadinaysa kooxaha ku shiraya Kismaayo inay si dhakhso ah ugu dhawaaqaan Madaxweyne iyo Gole Barlamaan iyo Gole wasiiro inta aanu dhicin shirka IGAD iyo ee lagaga hadlayo arrimaha Ammaanka Soomaaliya.

Haddaba Dowladda Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa si weyn uga soo horjeeda qorshaha gacan ku rimiska ah ee Kenya ka wado Kismaayo iyo Jubbooyinka iyada oo uu dhawaan si cad Madaxweynaha Maraykanku u sheegay Mawqifka ay Dowladda Maraykanku ka taagantahay cid walba oo Carqalad gelinaysa Xasiloonida iyo Dowladnimada Soomaaliya.

Waftiga Soomaaliya ee ku sugan Addis Ababa ayaa ka biyo diiday Codsiga kenya ilaa hadda ma cadda go’aanka ay qaaddan doonaan dowladdaha ku bahoobay IGAD oo aan la Oggeyn cida ay la safan doonaan, balse waxaa suuragala inay Soomaaliya noqoto Dowladdii labaad ee ka baxda IGAD sida Ereteriya haddii aysan xaaladdan murugsan waxba iska bedelin oo ay Madaxda IGAD indhaha ka laabtaan dacwada ka dhanka ah Kenya.

Dowladda Soomaaliya waftigeeda ayaa laga yaaba inay Shirka ka baxaan haddii aan la tixgelin oo aan la qiimayn Mawqifkooda siyaasiga ah, wararka isa soo taraya ayaa sheegaya In Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya cirka isku shareeray ,  ka dib ismaandhaafka Siyaasadeed ee ka taagan dhinacyada, Ciidamada ka Jooga Kenya iyo Dowladda Soomaaliya oo u aragta inay hagardaamo ka wado dalka Soomaaliya Kenya lana safantahay Kooxa Nabad diid ah oo qaranimada iyo Dowladnimada Soomaaliya aan aqoonsanayn.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com