Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Safray Dalka Kenya Kana Qeyb Galaya Xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha Cusub Ee Dalka Kenya Uhuru Kenyata.

0

madxweyneeeeeMuqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho caasimada Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu goordhow ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aden Cade ee magaalada Muqdisho  halkaas oo ay ku sagootiyeen xubno ka tirsan Golaha wasiiradda iyo Xildhibaanada barlamaanka.

Madaxweeyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu u kicitamay dalka Kenya halkaasi oo uu maanta kaga qeyb galayo xaflad uu xilka kula wareegayo islamarkaana lagu caleemo saarayo madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Uhuru Kenyata.

Xafladda caleemo saarka Madaxweeynaha cusub ee dalka Kenya ayaa waxaa kasoo qeyb gali doono sidoo kale madax badan oo Caalamka ka kala socota kuwaasi oo madaxweynaha Soomaaliya uu la qaadan doono kulamo iyaga iyo madaxweynaha la caleemo saarayo ee Kenya.

Isku soo wada duuboo Xafiiska madaxweynaha ayaa waxa uu shaaciyay in booqashada Madaxweeyne Xassan Sheekh ay maanta oo kaliya tahay si uu uga qeyb galo xaflada caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya kadibna uu si toos ah ugu soo laaban doono caasimada dalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com