Horjoogaha Falaagada Argagixisada Ah Ee Al Shabaab Axmed Godane Oo Xilka Laga Qaadayo.

0

ahmed-godaneMuqdisho (AGGM): Horjoogaha ugu sareeya falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab Axmed Godane ayaa waxaa la sheegayaa in xilka laga xayuubin rabo kadib markii lagu helay dambiyo badan.

Waxaa jiray dhawaanahan in ay warqado ka qoreen ajaanib badan oo ka tirsan falaagada Al Shabaab oo ay ku eedeenayeen in Axmed Godane uusan daacad ka ahayn hoowlagalada ay falaagadu ka wado dalka Soomaaliya.

Ajaanibtan ayaa waxa akle oo ay ku eedeeyeen sida la sheegay Axmed Godane inuu dilo saraakiisha ugu sareesa falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab iyo isagoo danihiisa gaarka ah mar walba ka hormariya danta aragagixisada.

Isku soo wada duuboo waxaa la ogyahay in khilaaf ba’an ka dhex aloosan yahay ururka argagixisada ah ee Al Shabaab waxaanse la ogeeyn halka uu ku danbeeyn doono khilaafkan u dhexeeya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com