Xildhibaanadii Kismaayo Ka Soo Laabtay Oo Ay Fadeexad Soo Wajahday.

0

XildhibaannoMuqdisho (AGGM): Qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo dhowaan ka soo laabtay magaaladda Kismaayo oo ay ku tageen socdaal ay ku sheegeen inay isugu soo dhoweynayaan dowladda Soomaaliya iyo jabhadda Dhul Boobka ee Kismaayo ku sugan ayaa la sheegay inay ku soo baxday fadeexad.

Fadeexadan oo ay shaaca ka qaadeen xubno ka mid ah xildhibaanadaas ayaa ku saabsan in lacago ay ka soo qaateen Kismaayo kadibna ay badaleen mowqifkoodii hore, iyagoo markoodii hore aaminsanaa mowqifka hada ay ku hadleen mid ka duwan.
Dadka Soomaaliyeed ayaa aad ula yaabay isbadalka degdega ah ee ku dhacay mowqifka xildhibanaadaas qaarkood iyadoo la xusuusto in xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ahaa mudanayaasha diidan maamulka ay doonayaan kooxda Dhul Boobka inay halkaa ka dhisaan ayaa waxaa uu markii uu Kismaayo ka soo noqday ku dhawaaqay hadaladan ” Kismaayo waxaan ku soo aragnay wax ka badalan wixii lagu sheegayey”.
Xog aan helnay ayaa sheegaysa in xildhibaanadan ay soo qaateen lacag aad u fara badan loona wakiishay fowda ka dhex dhalinta golaha baarlamaanka Soomaaliyeed.
Warar kale ayaa sheegaya in ka sokow lacagtaas la bixiyey ay jirto in ciidamada Kenya ay ugu hanjabeen mudanayaashan inay xayiri doonaan danaha qaarkood ku leeyihiin gudaha Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com