Ra'iisal Wasaaraha Oo Kulamo Is Daba Joog Ah Madax Sare Kula Yeeshay Addis Ababa.*Daawo Sawirada*

0
DSC_0203 (2)Addis ababa, (AGGM): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo booqasho rasmi ah ku jooga Addis Ababa isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kulamo is daba jooga ah la qaatay madax sar sare ee urur gobeleedka IGAD, Midowga Africa, Madaxweynaha Jabuuti iyo madaxweynaha dawlad geedaanka Soomaalida Itoobiya.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa casho sharaf la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Hailamariam Daselegn  iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Cashadan ayaa ahayd mid lagu gunaanadayo munaasabadii dhismaha hay’ad loogu magac daray Meles Foundation.
Ra’iisal Wasaaraha oo ay wehliso Marwo, Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi iyo xubnaha golaha Wasiirada ee safarkiisa ku wehliya ayaa dhanka kale kulan qado ah la qaatay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana kulankan qadada ah uu ka dhacay qasri uu ku leeyahay dalka Itoobiya Madaxweyne Ismaaciil.
 Qado sharaftan ayaa ahayd mid saaxiibtinimo isla markaana looga arrinsaday iskaashiga dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, waxaana kulankan ka horeeyey booqasho rasmi ah oo Ra”iisal Wasaaraha iyo wafdigiisu ay ku soo mareen dalka Jabuuti ka hor intii aysan soo gaarin magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.
Dhanka kale, Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa xalay ka qeybgalay caasuumaad casho ah oo uu sameeyey madaxweynaha dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo ay wehliyeen xubno maamulkiisa ka tirsan, xildhibaano deegaanka iyo kuwa dawlada federaalka ah waliba iyo ganacsatada deegaanka. Waxaa kaloo cashadan ka soo qeyb-galay Cabdifitaax Sheekh Cabdullahi oo ah wasiirka shaqaalaha iyo arrimaha bulshada dawlada Itoobiya iyo Sagaye Barhe la-taliyaha Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ee arrimaha amniga.
Cashadan oo aheyd is barasho iyo kala warqaadasho ayaa markii ay soo gabagabowday waxaa warbaahinta la hadlay Ra’iisal Wasaare Saacid, isaga oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay kulankan caawa, isla markaana uu muhiim u yahay is dhexgalka iyo iskaashiga dawladda Soomaaliya iyo dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya.
“Aadbaan ugu faraxsanahay casuumaada uu noo fidiyay madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana rajeynayaa in cashadan oo kale aanu ugu sameyno Muqdisho” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo xusay inay booqan doonaan xarunta dawlad degaanka Soomaalida ee Jigjiga.

Dhanka kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa galabta kulan rasmi ah la qaadanaya Ra’iisal  Wasaaraha Itoobiya Hailamariam Deselegn, waxayna kulankan uga wadahadli doonaan arrimaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana iskaashiga dhinacyada amniga, Dhaqaalaha iyo horumarka labada wadan.

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Addis ababa, Ethiopia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com