Dowladda Oo Faah Faahin Ka Bixisay Shirka IGAD Ee Ka Soconaya Magaalada Addis Ababa.

0

fowsiyaAddis Ababa (AGGM): Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aada waasiirrka arrimaha dibada xukuumada Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay shirka wasiirro arrimo dibadeedka urur gobolleedka IGAD uga soconaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo ah sida la sheegay mid ay dalbatay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka oo la hadashay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixisay shirka IGAD uga soconaya Magaalada Adis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya, kaasoo sida la sheegay looga wada hadllayo xaalada dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegtay in shirkaasi ay codsatay dowladda Soomaaliya diiraddana Lagu saarayo arrimaha Soomaaliya sida dhinaca ammaanka iyo maamul u sameynta deegaanada iyo degmooyinka dalka oo ay gacanta ku heysay dowladda Soomaaliya.

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in ururka IGAD ay caawin doonaan dowladda Soomaaliya maadaama Soomaaliya ay ka baxday xilligii Ku-meel-gaarka ahaa, islamarkaana dalku leeyahay dowlad rasmi ah oo la soo doortay.

Wararku waxaa ay sheegayaan dowladda Soomaaliya siweyn uga biyo diidan tahay fara-galin dowladdaha dariska ah ku hayaan dhismaha maamulada gobollada dalka Soomaaliya, gaar ahaa dowladda ayaa dalbaneysa in lagu soo wareejiyo dhismaha maamulka Jubbooyinka oo la tuhusan yahay in dowladda Kenya gadaal ka wado.

Magaalada Adis-ababa ee xarunta dalka ItoobiyaEthiopia waxaa ka soconaya shir ay leeyihiin wasiirro arrimo dibadeedka IGAD.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com