Ciidamada Kenya Oo Guryahooda Kala Baxay Dhalinyaro Soomaaliyeed.

0

Kenya policeNairobi (AGGM): Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada islii ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka ay kala baxeen halkaas dhalinyaro Soomaaliyeed.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay xaafada galeen Xili saqdhexe ay ayna kala baxeen dhalinyaro gaaraysa ilaa 4 sida uu Bogan Nuxur.com u sheegay mid ka mid ah dadkii Guriga daganaa.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay ahaayeen ka hor taga Argagixisada, waxaana la sheegay in dhalinyaradaas looga shakiyay in ay Xiriir la leeyihiin shabaab.

Sidoo kale Ciidamada amaanka Kenya ayaa Howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka dalka waxay saacadihii la soo dhaafay ka wadeen dalka Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com