Meydka Marxuum Shaati Guduud Oo Salaad Janaaso Lagula Tukaday Magaalada Muqdisho.*Daawo Sawiro*

0

jinaaso3Muqdisho (AGGM): Waxaa Maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho laga soo dejiyey meydka marxuum Col. Xasan Maxamed Nuur (Shaati-guduud) oo maalmo ka hor ku geeriyooday Isbitaal ku yaala dalka Jarmalka.

Salaad Janaaso ayaa lagula tukaday gudaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, iyadoona tukashada Salaada Janaaso ay kasoo qeyb galeen Madax sare oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya uu ka mid ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubno ka tirsan 2 Gole ee Dowlada.

Wasiirka Aw-qaafta iyo Arrimaha Diinta C/llaahi Abyan Nuur oo salaada tujiyay ayaa halkaasi ugu duceeyay Marxuumka, iyadoona Madaxda Dowlada ay halkaasi ugu tacsiyeeyeen Qoyskii uu ka geeriyooday Allaha unaxriistee Col. Xasan Maxamed Nuur (Shaati gaduud).

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kaga Tacsi gutay Qoyska Marxuumka oo halkaasi ku sugnaa, waxa uuna eebe ugu baryay in jannadii fardowso ka waraabiyo.

Meydka Marxuum Col. Xasan Maxamed Nuur (Shaati-guduud) ayaa loo duuliyay Magaalada Baydhabo halkaasi oo lagu aasi doono, waxa uuna Marxuumka ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu caansan gobolada Bay iyo Bakool, isagoo noqday hogaamiyaha jabhadii RRA, sidoo kale waxaaa uu xilal heer wasiir ah ka soo qabtay xukuumadihii KMG ahaa ee dalka maray.

jinaaso3

jinaaso1

jinaaso

jinaaso2

Isha Ku Hay Allglgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com