Ciidamo Ka Socda Sierra Leone Oo Ku Soo Wajahan Magaalada Kismaayo.

0

xaamudMuqdisho (AGGM): Col. Cali Aadan Xumud Afahayeenka Ciidamadda AMISOM oo Waraysi siinayay warbaahinta Muqdisho ayaa waxa uu kaga Hadlay Ciidamadii dhawaan ku soo biiray Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM kuwaa oo ka socda Dowladda Sierra Leone waxana uu shaaciyay in ay ku wahjahanyihiin Tiro iyaga ka mid ah Magaladda Kismaayo ee xarunta gobalka Jubadda Hoose.

Col. Xaamud ayaa Carbaabay in Tiro gaareesa 200 oo Askari oo ka Socdda Sierra Leone ay haatan ku sii wajahan yihiin Magaladda Kismaayo waxana uu xusay in ay ka galayaan Dhankaa iyo Wajeer.

Afahayeenka Ciidamadda AMISOM ayaa Sidoo kale waxa uu ku sheegay ka bixitaan Ciidamadda Itoobiya qeebo ka mid ah gobaladda Qaar mid Caqabad ah waxana uu ka dalbaday Dowladda in ay arimihaas kala Hadsho Dowladda Itoobiya Madaxdeeda intaana waxa uu sii daba dhigay Hadalkiisa in ay Howlgalkooda waxba udhimi donin arinkaa oo ay siiwadan doonaan ka AMISOM ahaan.

Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobalka Jubadda Hoose oo la sheegay uin  ay ku wajahanyihiin Ciidamo ka socda Dowladda Sierra Leone ayaana waxa la saadalin Karin waxa ay ka badalayan xaladda Magaladda Kismaayo oo ay hada ku sugan yihiin Ciidamo ka Socda Dowkladda Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com