Dowladda Britain Oo Mar Labaad Ku Celisey In Muwaadiniinteeda Ay Si Dhakhso Ah Uga Baxaan Soomaaliya.

0

uk-flag-3London (AGGM): Xafiiska arimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka ee dowlada Britain foreign and commonwealth office (FCO) ayaa bayaan uu soo saarey ugu digey muwaadiniinta Britishka ah iyo weliba reer galbeedka in ay u socdaalaan dalka Somalia , waxana lagu sheegey bayaankaas in laga cabsiqabo in weeraro argagaxiso oo ay fuliyaan ururka Al-shabaab iyo mucaaradka ka soo horjeeda dowlada Federalka ah ee Somalia , ay ka dhacaan caasimadda Somalia ee Mugadisho.

Waxa ka dhacay todobaadadi la soo dhaafey weeraro lagu bartilmaamsanayey haayaddaha dowladda , hudheeladda iyo weliba goobaha gaadiidka iyo isu socodka sida gedida diyaaraddaha ee Adan cade international Aiport.

Afhayeen u Hadley xafiiska FCO ayaa yidhi “ waxaanu ku celineynaa digniintayadda ku saabsaneyd u socdaalidda Somalia , taladayadu waxa ay si cad u sheegeysa in ay jirto weeraro argagaxiso oo ku soo fool leh muqdisho , waana qorshihii ugu danbeeyey , waanu ka degeyna in loo socdaalo Somalia”.

“Nabad gelyadda muwaadiniitna Britishka ah ee debedda ku nool , waa mid ka mid ah shaqadda ugu muhiimsan ee xafiiskan FCO , sidaas awgeed waxaanu soo gudbinaa muwaadiniintayadda warbixino muhiim ah nabadgelyadda qofka iyo amaanka debaddaha , iyadoo ay ku jirto qiimeynta weeraro argagaxiso , waxanu dadka Britishka ah siina macluumaad ku saabsan socdaalka”. Afhayeenka FCO ayaa yidhi.

Amaanka magaalada muqdisho ayaa soo hagaayey tan iyo markii ururka alshabaab ee xidhiidhka la leh Al-qacida laga saarey caasimada muqdisho bishii Ogos 2011 ,laakin weerarada bambaanooyinka iyo dilalka qorshesan ayaa weli ka taagan muqdisho .

Bishii ugu danbeysey gaadhi laga soo buuxiyey waxyaalaha qarxa oo lagu bartilmaameedsaaney sarkaal sare oo ka tirsan nabad sugida , ayaa lala beegsadey meel u dhow qasriga madaxtooyada ee Villa Somalia , waxaana ku dhintey ugu yaraan 10 qof oo u badan dad rayid ah .

Bishi September , magaaladda xeebta badweynta India ku yaala ee kismayo oo ahad goobaha ugu weyn ee ururka alshabaab gacanta ku hayeen ayaa laga saarey , kadib markii ciidamadaa Kenya iyo weliba kuwa somalidu oo is garabsanaya ay weerarku qaadeen , waxana jirta in ilaa hadda ay al-shabaab ka taliyaan goobo badan oo ka tirsan koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com