Ciidamada Dowladda Iyo AMISOM Oo La Wareegay Degaano Horleh Oo Ka Tirsan Gobolka Sh/Hoose.

0

ciidamoMarka (AGGM): Ciidamada Dowlada Federaalka soomaaliya ee Gobolka Sh/Hoose oo Kaashanaya Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Africa Ee AMISOM ayaa Goor dhaweyd La Wareegay tuulooyin Hoos Taga Degmada Awdheegle ee Isla Golbolkaasi Sh/Hoose.

Gudoomiye  Ku Xigeenka Degmada Awdheegle kana mid ah Abaanduulayaashii weerarkaasi manta ayaa xaqiijiyay inay Ciidamadoodu ay Si nabad galyo ah ku wareegeen Deegaanada Mubaarak, Mareere, iyo Daaru Salaam oo Dhamaanba hoostaga Degmada Awdheegle.

Gudoomiye xigeenka ayaa Sidoo kale sheegay inay Wadaab Olol ay ku doonayaan inay ka Sifeeyaan Xarakada Al-Shabaab Guud ahaan Gobolka Sh/Hoose.

Tan iyo markii Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM ay kordhiyeen Weerarada Ka dhanka ah Al-shabaab oo ay ku doonayaan inay kula wareegaan guud ahaan Dalka oo dhan ayaa waxaa Muuqanaya ifafaale muujinaya isku furanka Dalka iyadoo la dareemayo Awood balaaran oo ay adeegsanayaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa Huwanta ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com