Wasaarrada Maaliyada Oo Soo Bandhigtay Qorshe Cusub Oo Lagu Nidaaminayo Miisaaniyada Dowladda Federaalka.

0

wasiirka maaliyadaMuqdisho (AGGM): Wasiirka wasaaradda maalliyadda iyo qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya Max’uuud Xassan Suleymaan ayaa shir uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu kusoo bandhigay qorshe ay wasaaraddu ku howlaneyd diyaarintiisa mudooyinkii aynu kasoo gudubnay ayadoo qorshahaasina uu la xiriiray dib u habeynta,maareynta dhaqaallaha dalka.

Qorshahan ay Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta ay soo diyaarisay ayaa ah mid quseeya nidaamka ama habka loo maamulayo Miisaaniyadda Dowladda ayadoo diyaarintiisana ay qaadatay mudo bilooyin ah waxaana shirkan ay Wasaaraddu ku qabatay magaalada Muqdisho kalasoo qeybgalay Safiirro iyo khuburro ka socotay beesha Caalamka.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee shirkan lagu faaqiday waxaa ka mid ahaa in dib u eegis lagu sameeyo dayaca ka jiray qarashaadka ka baxa dowladda sida dhaqaallaha ku baxa goobaha aan habooneyn iyo sidii qaladaadkaasi loo sixi lahaa ayadoo muhiimadana ay tahay in sanadaha soo socda nidaam fadhiya oo toosan loo helo maareynta dhaqaalaha dalka ayadoo la buuxinayo dhammaanba goobihii ay dul duleeladu ka jireen.

Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa sheegay in muhiimadda qorshahan uu yahay sidii sanadaha soo socda loo heli lahaa nidaam hagaajisan oo lagu maareynayo dhaqaalaha dalka ayadoo la saxayo qaladaadka jira, talaabadaasina ay fursad u siin doonto shacabka iney si toos ah Dowladdu ula xisaabtamaan dhaqaallaha soo gala iyo halka uu ku baxo.

Shirkan oo socday mudo Seddex saacadood ah ayaa muhiimad gaar ah u leh Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamkaba maadaama mudadii uu socday laga dooday qodobbo dhowr ah oo dhammaanba quseeya hagaajinta nidaamka loo maamullo hantida Dowladda waxaana Wasiirka

Maalliyadda oo hadlakiisa sii wata uu xusay muhiimadda ay Dowladdan u leedahay hagaajinta nidaamka dhaqaallaha loo maamullo taasi oo ka mid ah Lixda tiir ee Dowladda.

Dib dib u habeyntani waxey muujineysaa ama ay inoo fududeyneysaa hadii aan dhaqaallaheenna dib u hagaajino amaba anu xayirno qarashka sida aan habooneyn ku baxa inaan hirgelinno howlaha kale ee Dowladda looga fadhiyo qabashadeeda sida amniga, waxey kaloo noo suurtagelineysaa inaynu helno aaminaad ama kalsooni aan caalamka intiisa kale kula macaamilno sida Bangiga Aduunka iyo IMF” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta.

Hadaba qorshahan ay Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta soo diyaarisay ayaa waxaa ugu muhiimsan qodobadan:-

• In sidii afarta sano ee soo socota si cad shacabka loogu soo bandhigi lahaa nidaamka dhaqaalaha dalka

• In la xayiro ama la adkeeyo dhaqaalaha sida fudud uga baxa Dowladda gudaha iyo dibadda

• In dhaqaallaha baxaya ay ka muuqato muhiimadda meelaha uu ku baxayo

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa xusay in markani ay ka duwantahay tii hore dowladduna ay qorshe la timid,qorshahaasi hirgelintiisa ay dowladdu isku raacsantahay waxaana uu rajo ka muujiyey in qorshahaasi uu u hirgalo sida loo dejiyey“qorshahani hadii uu hirgalo waxey noo fududeyneysaa in dhaqaalaha dowladda soo gelaya uu kordho, ahaadana mid la ogaan karo halka uu kasoo galay iyo meesha uu ku baxay sanadaha soo socdo, iyo in la xoojiyo hay’addaha dowliga ah ee miisaaniyadda Dowladda la xiriira si loo dhowro kalsoonida shacabka ”

Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa laga filayaa maalmaha soo socda iney soo bandhigto xisaabtankii Miisaaniyadda Seddexdii bilood ee ugu dambeysay sanadkii aynu kasoo gudubnay taasi oo horey ay Baarlamaanku u ansixiyeen iyo dib u eegistii sanadkii lasoo dhaafay ayadoo la eegayo dhaqaallah Dowladda soo galay iyo sida uu ku baxay waxaana Dikumentiyadaas lala qeybsan doonaa shacabka ayadoo lagu baahin doono warbaahinta.

Xafiiska Wasaaarrada Maaliyada

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com