Warsaxaafadeed: Ra'iisal Wasaaraha Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Magaalada Addis Ababa.*Daawo Sawirada*

0
SAM_2117 (2)Addis Ababa,(AGGM): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyaga oo ka soo kicitimay dalka Jabuuti oo muddo labo cisho ah ay booqasho ku joogeen.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa safarkan ku wehliya Marwo Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi, Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Gaashaandhigga Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi, Wasiir kuxigeenka ganacsiga Maxamed Cali Xaggaa iyo saraakiil ka tirsan xafiiska.
Wafdiga ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Mudane Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi iyo xubno kale, waxaana loo soo galbiyay hotelka Sheraton.
Ujeedada safarka ayaa ah sidii Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisu ay uga qeybgali lahaayeen dhismaha hay’adda loogu magac daray Ra’iisal Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi oo lagu  magacaabo (Melese Foundation), waxaana munaasabadan lagu soo bandhigi doonaa waxqabadkii Meles Zenawi.

Booqashada Ra’iisal Wasaaraha oo qaadan doonta muddo labo cish oah ayaa waxaana la filayaa inuu kulamo kala duwan la qaato madaxda dalka Itoobiya iyo mas’uuliyiinta urur goboleedka IGAD.

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Addis ababa, Ethiopia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com