Odoyaasha Beesha SADE Ee Gobolka Gedo Oo Ka Soo Horjeestay Shirka Ka Soconaya Magaalada Kismaayo.*Dhagayso*

0

ugas_cabdulahi2Baardheere (AGGM): Kulan maalmahii ugu dambeeyey Magaalada Baardheere ay ku lahaayeen in ka badan ilaa 50  xubnood  oo isugu jira Hogaamiyayaal dhaqameed, Odoyaal iyo Waxgarad kasoo jeeda Beesha SADE ee Gobolada Gedo ayaa waxay markii ugu horeysay ka hadleen Shirka loogu yeeray Maamul u Sameynta Gobolada Jubbooyinka, iyagoona shirkaasi ku tilmaamay mid aan ka tarjumayn rabitaanka shacabka ku dhaqan Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka.

Kulankaasi oo soconayay 3 maalmood ayaa markii uu soo idlaaday waxaa Saxaafada uga warbixiyey go’aanadii kasoo baxay Ugaas Cabdulaahi Macalin Haaruun iyo Nabadoon Maxamed Ibraahin Macuush (Gaagaale.)

Odoyaasha ayaa sheegay in Dastuurka Lagu Ansixiyay Magaalada Kismaayo uu yahay Dastuur aysan Raali Ka ahayn Shacabka ku nool Gobollada Gedo iyo Jubbooyinka, iyagoo Carabka ku dhuftay in Shacabka Ku nool Jubbooyinka ay u Afduuban yihiin Ciidamada Kenya iyo Maleyshiyaadka Raaskambooni, waxayna sheegeen Cid matalaysa Gobolka Gedo inaysan marnaba qeyb ka noqon shirkaasi.

Halkan Hoose Ka Dhagayso Odoyaasha Dhaqanka Beesha Sade Ee Baardheere.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/04/Odoyaasha_Gedo_oo_kasoo_horjeeestay_Shirka_Kismaay.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Halkan Hoose Dhagayso Odoyaasha Dhaqan Beesha Sade Ee Waamo

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/04/Odoyaasha_Dhaqanka_Beesha_SADE.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com