Mareykanka Oo Sheegay Inuu Talaabo Ka Qaadayo Cidii Ishortaagta Soomaaliya.

0

us flagMadaxweynaha Mareykanka ayaa laga soo xigtay  in dawladiisu ay sii adkaynayso inay tilaabo adag ka qaado cid kasta loo arko inay caqabad ku tahay amaanka iyo hormarka Soomaaliya sida lagu sheegay War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Obama.

Wakaalada wararka dalka  Kuwait oo qortay Warkaan  ayaa waxa ay sheegtay  in Maraykanku uu si buuxda u taageersan yahay dawlada Soomaaliya iyo bulshadeeda isla markaana cuna qabatay adag la dul  dhigayo cid kasta oo lo arko inay dawlada caqabad ku tahay.

“Waxaan go’aansanay inaanu ciqaabno cid walba oo ka hor timaada hormar iyo nabadgalyada Soomaaliya tanina waxay qeyb ka tahay taageerada dawlada Maraykanka ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka kazoo baxay xafiiska uu M/weyne Obama ku leeyahay aqalka cad ee Washington ku yaala.

Warkaan laguma xusin urur ama shaqsiyaad toona hase ahaatee waxaa muuqata in digniin loo dirayo cid walba oo dawlada ka hor timaada.

Mareykanka ayaa ku celceliyay marar badan hadalka maanta ee ku aadan in uu talaabo adag ka qaadayo kooxaha uu ku sheegay argagixisada iyo kuwa kalaba ee dhibaatada dhinaca amaanka ka gaysta Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com