QM Oo Sheegtay In Ay Soomaaliya Ka Caawineyso Baabi’inta Xadgudubyada.

0

Zeinab-Hawa-BanguraMuqdisho (AGGM): Kadib kulan maalintii shalay ku dhaxmaray magaalada Muqdisho taliska booliiska Soomaaliyeed iyo Saynab Hawa Bangura oo ah wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan xadgudubyada ka dhan-ka ah haweenka, ayeey sheegtay mas’uulka ka tirsan QM in ay ka caawin doonaan dowladda federaalka Soomaaliya sidii loo baabi’in lahaa dhibaaatada ama tacadiyada ka dhan-ka ah dadka rayidka ah gaar ahaan haweenka.

Waxaa ay sheegtay in safarkeeda Soomaaliya iyo kulanka ay la qaadatay Saraakiisha booliiska Soomaaliyeed uu ahaa mid iyada muhiimad gaar ah u leh, madaama ayeey tiri Soomaaliya xiligan ka soo kabaneyso dagaalladii iyo colaadiihii mudada dheer soo daashaday.

Waxaa ay sidoo kale sheegtay in ay ka wada hadlleen arinta ku saabsan xadgudubyada xubno ka tirsan xukuumada Soomaaliya iskuna afgarteen in ay wax weyn laga badllo heerka ka hor taga tacadiyada, ayaa tiri Saynab Hawa Bangura.

‘’Annaga ma aqbaleyno in si sharci darro ah loo xiro dad iyaga dhib sheeganaya iyo suxufiinta dooneysa in ay soo tabiyaan dhibaatada lagu hayo dadka aan codka laheyn, waxaana ku dhiiri-galinaayan bahda warbaahinta in ay ku dhiiraadaan shaqda ay u hayaan bulshada,’’ ayeey tiri Bangura.

Ugu dambeyn, sarkaaladdu waxay sheegtay in xafiiskeeda ay u soo sarayso Soomaaliya marka la gaaro July 2013, si ay uga barbar shaqeeyaan taliska booliiska Soomaaliya iyo midka milateriga si loo siiyo ciidamada tababarro ku saabsan ka hortagga kufsiga iyo colaadda ka dhanka ah haweenka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com