Wararki Maanta Ugu Dambeeyay Iyo Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta magaaladaasi ay gaareen xildhibaano kasoo jeeda beesha Kablalax oo tiradooda naloogu sheegay ilaa 44 xildhibaan.

Warkan ayaa intaas waxa uu ku darayaa in xildhibaanadan ay u yimaadeen si ay u taageeraan amaba uga qayb qaataan damaashaadka maamul ay sameesanayaan beesha Kablalax oo laga yagleelayo deegaanada Jubbooyinka,waxaa kaloo jira kacdoon sii xoowli ah ku socda oo ay wadaan dhamaan beelaha kale ee aan ahayn kablalaxa ee daga gobolada Jubbooyinka ayna gabi ahaan ku gacan seereen kana soo horjeestay maamulkan lagu sheegay in lagu yagleelayo magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in caawa xeebta magaalada Kismaayo ay ku sugan yihiin maraakiib wada ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Sierra Leone waxaana la filayaa sacaadaha soo socda inay gudaha u soo galaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dhinaca kale warar si hoose aan ku helnay ayaa waxa ay sheegayaan in xildhibaanadan marki ay dib ugu soo laabtaan magaalada muqdisho ay qorsheenayaan in ay Mooshin ka dhan ah xukuumada federaalka ah u gudbin doonaan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, taa oo ay dadka indha indheeya siyaasada ay ku micneeyeen qar iska tuur siyaasadeed.

Qorshahan Mooshinka ka dhanka ah Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa gadaal ka riixaya maamulka Puntland oo doonaya mar labaad inay dib uga soo dhex muuqdaan siyaasada Soomaaliya oo ay waayahan dambe ku fashilmeen.

Isku soo wada duuboo waxaa si cad loo fahmi karaa ujeedka ka dambeeya xaalada gobolada Jubbooyinka oo ay qaar kamid ah wadamada deriska ah ay doonayaan inay ka huriyaan dagaal sokeeye iyagoo u adeegsanaya maleeshiyo beeledka Raaskambooni si dalka soomalaiya ay ugga dhalan dowladd sal balaaran oo awood u leh difaaca qaranimada Soomaaliyeed iyo sugida amaanka dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com