Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Shaati Gaduud.

0

shaati gaduudMuqdisho (AGGM): Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay Geeridii ku timid Xasan Maxamed Nuur “Shaati Gaduud” oo ku geeriyooday dalka Garmalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay Warbaahinta Dowlada  ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaa qoyskii uu ka geeriyooday Shaati Gaduud.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in siyaasiga Shaati Gaduud oo in muddo ah ku xanuunsanaa dalka Jarmalka maantane uu u geeriyooday, waxa uuna intaasi raaciyay in meydka marxuumka la keenidoono magaalada Muqdisho si loogu sameeyo aas qaran.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay cafiyaan Marxuum Xasan Maxamed Nuur, waxa uuna ALLA uga baryay in uu janadii fardowso ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodayne samir iyo iimaan ka siiyo

Innaa lilaah wa inaa ileyhi raajacuun

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com