Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe Oo Sheegay Inuu Yahay Ninka Koobaad Ee U Taagan Musharaxa Madaxweynaha Jubbaland.

0

Axmed-Madoobe1Kismaayo (AGGM):Axmed Islam (Axmed Madoobe ) Oo ka mida Masuulinta Ururka Raskanbooni Ahna Mamaulka Hore Ee KMG Ahaa Ee Kismaayo Ayaa Shaaca Ka Qaday Inuu Yahay Musharax U tagan xilka Madaxweynaha Mamaulka Jubaland.

Axmed Madoobe Ayaa sheegay inuu difaac badani ka soo galay gobolada Jubbooyinka sida uu sheegayna Inuu sabab u ahaa Al-shabab Laga Xoreeyo Gobolada Jubooyinka waxana uu Sheegay nin Uga Xaq badan Inuusan Jirin In loo Doorto Madaxweynaha Jubaland.

Dhinaca kale dadka ku dhaqan deegaanada Jubooyinka iyo Gedo ayaa waxa ay ku eedeeyaan Axmed Madoobe in uu isagu sabab u ahaa imaanshiyaha dhamaan ururo diimeedka mayalka adag sida Maxakamadihi, Xisbul Islaam Al Shabaab deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo.

Isku soo wada duuboo waxaan la ogeeyn waxa ay ugga jawaabayaan hadalkan kasoo yeeray Axmed Madoobe dadka kale ee iyguna sheeganaya in ay yihiin musharixiin u taagan Madaxweynaah Jubbaland