Dowladda Soomaaliya Oo Mar Kale Ku Celisay Go’aankeeda Ku Aadan Shirka Ka Socda Magaalada Kismaayo.

0

saacid44Muqdisho (AGGM): Dowladda Soomaaliya ayaa wali ku adkeysaneysa in uusan waxba iska badallin mowqifkeeda ku aadan shirka ka soconaya magaalada Kismaayo oo maalintii shalay lagu ansixiyay dastuur la sheegay in uu yeellanayo mamaulka Jubba-land ee la filiyo in looga dhawaaqo kulanka Kismaayo.

Ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid  ayaa mar kale sheegay in dowlada Soomaaliya aysan raali ka ahayn shirka ka socda magaalada kismaayo wuxuuna ku tilmaamay in shirkaasi uu yahay mid aan ku taagneed wadadii toosneed oo la rabay in loo maro dhisda maamul goboleedyada dalka,isagoona soo jeediyey in shirkaas la waafajiyo habka sharciga ah.

Waxaa uu si cad u xeeqayy in dowlada Soomaaliya ay ku talineyso soona jeedineyso in shirkaas hogaankiisa si toos ah loogu wareejiyo dowlada Soomaaliya,wuxuuna sheegay in qorshaha dowlada uu yahay in shirka Kismaayo laga dhigo labo waji.

‘’Waxaa marka hore soo jeedinay in wajiga hore ee shirka laga dhigo mid dib u hishiisiin ah oo beelllaha kuwa dhaqangobolada Jubooyinka iyo Gedo laga dhax sameynayo,  kadib markii la xalilo khilaafaadka ka dhexjira bulshada markaa kadib loo fariisto shirka maamul u samaynta Jubba-land,’’ ayuu yiri ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya.

Hadalka ka soo yeeray xukuumada Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili dardar uu ku socdo shirka magaalada Kismaayo oo la sheegay in dhawaan uu soo dooran doono madaxweynaha maamulka Jubba-land.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com