Dhambaal Tacsiyeed: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun Allaha U Naxariistee Marxuum Nabadoon Calisalaad Aadan-yare Samatar Oo Shalay Ku Geeriyooday Magaalada Caabudwaaq.

0

tacsi1Dhambaal Tacsiyeed: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ialyhi Raajicuun oo Shalay oo ay taariikhdu ahayd 02/04/2013 ku geeriyooday magaalada Caabudwaaq Allaha u Naxariistee Marxuum Nabadoon Calisalaad Aadan-yare Samatar.

Dhamaan bahweynta Allgalgaduud Media Anaga oo ka tiiraanyonayna geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u Naxariistee Marxuum Nabadoon Calisalaad Aadan-yare Samatar, waxaan dhambaal tacsiyeed oo tiiranyo leh u direynaa dhamaan Reer Aadan-yare Samatar gaar ahaana xaaski iyo awlaadi marxuumka, waxaana Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo Marxuumka ka baxay, waxaan kaloo Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu Marxuum Nabadoon Aadan-yare Samatar janadi fardowza ahayd ka waraabiyo. aamiin aamiin aamiin.

Waxaa Dhambaalkan Tacsiyeed Si Gaar Ah U Diraya:

C/ladiif Maxamed Cigaal

Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com