War Deg Deg Ah:Qaraxyo Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Gudaha Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya.

0

breaking_news-620x3301Muqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in soo goor dhaw qaraxyo xoogan laga maqlay gudaha Wasaarada Gaashaandhiga magaalada Muqdisho taasi oo faah faahinada kasoo baxaya ay is khilaafayaan.

Warka loo badinayo qaraxyadaasi waxa uu yahay in shaqsiyaad tiradooda aan la sheegin ay gudaha ugaleen xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee kutaalla degmada Hodan taasi oo khasaaraha ay geysteen qaraxyadaasi aan la ogeyn.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxyadaan oo ahaa kuwo ismiidaamin ah ay gil gileen halkaasi waxaana badankood dadka ka ag dhawaa xarunta la qarxiyey ay sheegayaan in wadooyinka la xiray shacabkana loo diiday inay laamiga isticmaalaan.

Waxaa illaa hadda kooban xogta laga helayo qaraxyadaasi iyo khasaaraha ay geysteen waxaana ciidamada dawla ee kusugan xarunta Wasaarada gaashaandhiga ay mararka qaarkood ridayaan rasaas aan la ogeyn sababta loo ridayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com