Suldaan C/casiis Cumar Daad Bayle "Magacaabista Gudoomiyaha Gobolka Gedo Waxa Uu Dhabar Jab Ku Yahay Shirka Jubbooyinka".

0

shirka kismaayoKismaayo (AGGM): Waxgaradka Gobalada Jubbooyinka ayaa ka hadlay maamulka KMG ah ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu kaga dhawaaqay Magaalada Garbahaareey ee Gobalka Gedo koonfurta dalka Soomaaliya.

Suldaan C/casiis Cumar Daad Bayle oo kamid ah salaadiinta Jubbooyinka ayaa usheegay Warbaahinta Magaalada Muqdisho in maamulka loo magacaabay Gobalka Gedo uu yahay mid dhabar jab weyn ku noqonaya qorshaha Jubaland ee ka socda Kismaayo.

Wuxuu sheegay marhadii Gobalka Gedo loo sameeyay maamul KMG oo muddo lix bilood shaqeynaya macnaheeda ay tahay in shirka Jubaland aan lagu soo hadal qaadi karin maamul usameynta Gobalka Gedo.

Suldaan Beyle ayaa tilmaamay in Gobalka Gedo uu hada kamid noqday Gobalada kusoo biiray hogaanka Dowladda maadaama markii hore shirka Jubaland laga qorsheynaye in maamulka saddexda Gobal loo dhisayo Gedo ay qeyb ka aheyd.

Ugu dambeyn Suldaan Beyle ayaa masuuliyiinta ku howlan shirka Jubaland ugu baaqay in shacabka Gobaladaasi aysan uhorseedin waxyaabo abuuri kara dhibaato hor leh.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shalay Magaalada Garbahaareey kaga dhawaaqay maamul KMG oo uu yeesho Gobalkaasi shaqeynayana muddo lix bil ah,iyadoo Guddoomiyihii hore ee Gobalka Gedo Dowladda Soomaaliya laga dhigay Guddoomiyaha Gobalka Gedo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com