Sheekh Xasan Macalim Maxamuud Samatar Al Basri Oo Sawirkiisa Ay Si Qaldan U Isticmaalaan Qaar Kamid Ah Shabakadaha Soomaaliyeed.

0

Sheekh-Codweyne12Shabakado badan ayaa waxa ay si qaldan u isticmaalaan sawirka Sheekh Xasan Macalim Maxamuud Samatar Al Basri oo xubin kamid ah culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca oo ku sugan dalka Yemen.

Sheekh Xasan Macalim Maxamuud Samatar Al Basri waxaa sawirka loo isticmaalaa Sheekh Maxamed Daa,uud Codweyne oo ah sida la sheegay afhayeenka ahlusunnada koonfurta soomalaiya, waloow si cad loo wada ogsoon yahay afhayeenka Ahlusunnada koonfureed inuu yahay Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq Al Qaadi.

Shabakada Allgalgaduud Media oo xiriir dhanka telefoonka ah la sameeysay Sheekh Al Basri oo ku sugan dalka yemen ayaa waxa uu u inoo sheegay inuu aad uga xun yahay in sawirkiisa loo adeegsado qof aan isaga ahayn islamarkaana uu codsanayo in dhamaan shabakadaha isticmaalaya sawirkiisa ay ka waantoobaan maadaam uu isagu yahay nin aan ku jirin siyaasada soomaaliya islamarkaana ah Sheekh qurbojoog ah, “walaalaha maamula shabakada lagu soo dabacay sawirkeeyga, waan ka xumahay, waxaana ka codsanayaa inay iska hubiyaan inta aysan soo daabicin sawirada dadka sheeganaya inay yihiin, islamarkaana waa in ay kaa waantoobaan isticmaalka sawirkeeyga.

Isku soo wada duub oo waxaa dhaamaan la ogeeysiinayaa shabakadaha Soomaaliyeed inay ka waantoobaan isticmaalka sawirka Sheekh Xasan Macalim Maxamuud Samatar Al Basri falkaas wajigabaxa ah ee ay ku kaceen.

Fiiro Gaar Ah:  filo dhawaana wareeysigiisa oo cod ah.

Sawirada Kale Sheekh Al Basri

bisri

Sheekh-Codweyne12

basri

Qoraalo Hore Halkaan Hoose Guji  Ka Daawo.

( 1 )  ( 2  )  ( 3 )

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com