Ciidamo Ka Tirsan AMISOM Oo Aad U Hubaysan Oo Gaaray Gobolka Baay Kuna Sii Jeeda Gobolka Bakool.

0

Baydhabo27Baydhabo (AGGM): Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobollada Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan midowgga Africa MISOM oo aad u fara badan ay shalay gallinkii dambe illaa xalay gaarayay magaaalada Baydhabo, kuwaasoo maray dhinaca dhulka waxayna fariisimo ka sameysteen gudaha iyo duleedyada Baydhabo.

Ciidamada gaaray Baydhabo oo ku hubeysan gadiidka gaashaaman ayaa ka baxay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, waxayna mareen dhulka, iyagoo ku biiray boqolaal ciidammo ah oo ka tirsan AMISOM oo horay ugu sugnaa degmadaas.

Todobaadyadii ugu danbeeyayba waxaa magaalada Baydhabo ka socday in ciidamada Itoobiya ay ku wareejiyaan saldhigyadii ay degmadaas kaga sugnaayeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Maamulka gobolka Baay ayaan ka hadlin ciidamada ka socda AMISOM ee gaaray gobolkaas, waxaase ciidamadan ay kusoo beegmayaa iyadoo ciidamada Itoobiya ay qorsheynayaan inay isaga baxaan gobolka Baay.

Gen Andrew Gutti  taliyaha ciidamada AMISOM ayaa horay u sheegay inay ka go’an tahay inay tagaan goobaha ay ciidamada Itoobiya banneeyeen si ay u sugaan ammaanka dadka deegaannadaas ku nool.

Saraakiisha ciidamada midowgga Africa AMISOM ayaa horay u sheegay in dhawaan ciidamadooda buuxin doonaan dhamaan saldhigyada ay ka baxaan ciidamada Itoobiya ee gobollada Koonfureed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com