OMAR VS AABIHIIS (AUN) W/Q Abdullahi Jama

0

omar11- Cabdirashiid Cali Sharmaake (AUN), wuxuu ahaa Madaxweynihii hore ee Somalia. waxaa la dilay isagoo Madaxweyne Qaran ahaa, Dadaalkiisana waxaa ugu weynaa sidii 5-ta Soomaalweyn uu isugu soo xiri lahaa, warkeedaba iska daa in qeyb dhul badeed Soomaaliyeed la goosto.

Cabdirashiid Cali Sharmaake (AUN) wuxuu ahaa Waddani Soomaaliyeed oo aad u jeclaa in Cadowga Soomaaliyeed uu meel isaga tiiriyo, wuxuuna ku hamin jiray in midnimada Soomaaliweyn uu guul ka gaaro.

2- Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, wuxuu noqday Rasul Wasaare Somalia. Shacabka Soomaaliyeedna waa soo dhaweeyeen maadaama uu yahay wiilka Madaxweyne rug caddaa ah. waxaana laga filaayey inuu Somalia ka saaro dhibaatada ku habsatay, Cadowga faragelinta ku haayana uu ka qabto.

Cumar Cabdirashiid waa la imaan waayey sidii ay shacabka Soomaaliyeed ka filaayeen, wuxuu la soo baxay jahwareer siyaasadeed, wuxuuna ku kacay Khiyaamo Qaran oo aad u weyn, oo au ugu weyn tahay dhul badeedka Somalia ma cabirna. wuxuu heshiis la soo galay dowladda Kenya oo uu kula heshiiyey heshiishkii is afgarad (Memorandum of understanding). taasoo dhulka Jubbooyinka iyo xeebaha ku xeeran ay dowladda Kenya Xalaaleysanayso.

Wuxuu warqado been abuur ah u diray UN-ta, oo uu ka beensheegaayo Dhul Badedka Somalia. arimahaas oo dhan waxaa tuuray Baarlamaankii Somalia, oo ka dhigay wax kama jiraan.

Cumar C/rashiid wuu fashilmay, xilkiina wuu isga tegay. nasiib daro wuxuu hadda boorka ka soo jafay khiyaamadii Qaran oo uu ku fashilmay, Shacabka Soomaaliyeedna ay ku fahmeen. taaso ah in Dowladda Kenya ay rabto inay goosato Dhulbadeed ka mid ah Somalia, khayraadka ku jirana ay maamulato.
Cumar Cabdulrashiid hadda wuxuu ku sugan yahay magaalada Kismaayo. wuxuuna olole ugu jiraa sidii uu Dowladda kenya uga caawini lahaa inuu hirgalo maamulka maqaar saar ka ah ee Jubbaland.

Waxaa ayaan daro ah isagoo Rasul wasaare ka soo noqday Somalia. inuusan Muqdisho imaan oo uusan kala tashan Dowladda hadda jirta, arimaha maamul u samaynta Jubbland.

Dowladda Kenya markii ay ku fashilantay Memorandum of understanding. ayaa waxay jihada u beddeshay arinta Jubbaland. si ay halkaas uga samayso maamul Soomaalida intee kale ka madax banaan oo Kenya hoos yimaada. si ay ugu hirgasho rajadeedii ahayd inay la wareegto dhul badeed Somali ay leedahay.

Cumar Cabdirashiid ma ka leexatay dariiqii Aabahaa (AUN). aaway waddaniyaddii Aabahaa iyo siduu u jeclaa inuu Soomaaliweyn isku keena. magac iyo masiibo mar bay baxaan ee magac xumo yeysan kaa raacin khiyaamada Kenya.

Abdullahi Jama
Toronto, Canada
jamaabdullah28@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com