Wafdi Uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Finland Oo Booqasha Ku Yimid Soomaaliya.*Daawo Sawirada*

0

DSC02459Muqdisho (AGGM):Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Marwo Foosiyo Xaaji Aadan iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada oo ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda, iyo Qorshaynta, Wasiirka Adeega Bulshada,Wasiirka Khayraadka Dalka iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha, ayaa kulan balaaran la qaatay wafti ka socday dalka Finland oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada Erkki Tumoija.

Waftigaan ayaa qayb ka ah wafuud kala duwan oo mudooyinkii ugu danbeeyey booqasho ku imanayey magaalda muqdisho si ay wax uga ogaadaan xaaladaha dalka iyo isbadalada ay samaynayso dawladda cusub ee Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay waftiga booqashada ay ku yimaadeen maanta magaalada Muqdisho, iyadoona sheegatay in uu jiro isbadalo dhanka amniga ah taasina ay calaamad u tahay imaatinka Muqdisho ay imanayaan wafuud ka kala socota caalamka.

“Dawladu waxay samaysay isbadalo dhanka amniga ah taas oo ay sabab u noqotay inay dalka dib ugu soo laabtaan qurba joog oo badan, iygoona ka kala yimid wadamada Yurub iyo Waqooyiga America, waxaa ka socda caasimada dib u dhis balaaran, waxay dawladdu xooga saartay sidii loo horumarin lahaa xuquuqul insaanka, iyadoo Ra’iisul  Wasaaruhu
magacaabay gudi baaritaan ku sameeya tacadiyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka” ayaa tiri Wasiirka Arrimaha Dibada.

Sidoo kale  Wasiirka Adeega Bulshada ayaa ka warbixisay howlaha baaxada leh ee ay qabatay mudadii yarayd  oo ay Wasiiradda ahayd,

“Wasaarada Adeega Bulshada dwaxay ka kooban tahay qaybo kala duwan, waana wasaaradda ugu balaaran wasaaradaha, dhanka waxbarashada waxaan isku howlnay inaan midayno manhajka waxbarashada, waxaan ka jira dalka
42 manhaj waxbarasho oo mid walba gaarkiisa u shaqeeya, waxaa noo qorshaysan inaan Hal Milyan oo arday cusub ah  ay helaan sanadkaan waxbarasho lacag la’aan ah dhamaan gobolada dalka, arimaha caafimaadka ayaa laga sameeyey horumar waxaan dhawaan la furayaa isbitaalo la dayactiray” ayeey tiri Wasiirka Adeega Bulshada oo dhanka kalana
xustay in ay lagama maarmaan tahay in laga xoroobo nidaamkii Hay’adaha aan dowliga ahayn  dalka ku maamulayeen mudadii lagu jiray dawlad la’aanta iyo xiligii KMG ahaa.

Ugu danbaynii Wasiirka Arrimaha dibada ee Dalka Finland ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanayahay booqashadiisa Muqdisho uuna dareemayo isbadal weyn oo dhanka amaanka ah, wuxuuna sheegay in dowaldiisu ku dadaali doonto sidii ay Soomaaliya ula yeelan lahayd wada shaqayn toos ah, dawlada Finland waxay hormuud ka tahay wadamada ku bahoobay midowga yurub oo taagero dhaqaale siiya Soomaaliya.

—DHAMAAD—

DSC02459

DSC02461

DSC02463

DSC02465

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director Office of the PM

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com