Madaxweyne Xassan Sheekh Oo Si Rasmi Ah U Furay Shirweynaha Dib Habeynta Garsoorka Soomaaliya.

0

Madaxweyna-HassanMuqdisho (AGGM): Madaweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa goor dhaw oo maanta ah si rasmi ah u furay shirweynaha dib u habeynta garsoorka Soomaaliyaa oo socon doona muddo shan maalmood ah, kaasoo looga hadlayo sida ugu habboon ee garsoorka loogu kalsoonaan karo.

Madaxweynaha ayaa khudbad dheer ka jeediyay madasha shirka waxaa uu ku  sheegay in ujeeddada shirkan loo qabanayo ay tahay in la helo fikrado ku saabsan sidii garsoorka dalka uu u noqon lahaa mid dadka Soomaaliyeed oo ah kalsooni buuxda ku qabaan.

“Waxaan doonaynaa in shirkan ay kasoo baxaan qodobbo sababi kara in garsoorka dalka lagu kalsoonaado, waayo garsoorka waa halka uu aadi lahaa qofka cabashada qaba, waxaana loo baahan yahay inuu noqdo mid kalsooni buuxda lagu qabi karo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Muqdisho (AGGM): Madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud waxaa uu intaa ku darray mar uu ka hadllayay qaban-qaaada shirka  in dhaqaalaha ku baxaya uu yahay mid ay bixinayso dowladda Soomaaliya oo aan meel kale ka imaan isagoo sheegay xusay in ujeeddaduna ay tahay inay kasoo baxaan shirkan wax ay Soomaalidu leedahay.

“Marka aan annaga  wax qabsanno ayaa caalamka dhihi karnaa waxaas ayaa naga dhiman ee ha naloogu daro, balse marka hore waa inaan innagu isku tashanno,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Waxaa uu madaxweynaha sidoo kale qudbadiisa uu ku sheegay in ergada ka qayb-galaya kulanka ay oo tiradoodu tahay 150 looga baahan yahay inay soo saaraan qodobbo muhiim ah oo ah qaabka ugu habboon ee wax looga bedeli karo garsoorka.

“Dowladihii dalka soo maray garsoorkoodu wuxuu ahaa mid aan fadhin, balse innagu waxaan doonaynaa in garsoorkeenna aan sal u yeelno, kana dhigno mid ay shacabka Soomaaliyeed oo dhan ku qanacsan yihiin,” ayuu ku yiri madaxweynuhu khudbaddiisa.

Ugu danbeytii, Madaxweyne Xassan Sheekh wuxuu sheegay in shirarka noocan oo kale ah sii socon doonaan si jilbaha loogu dhigo howlaha xukuumadda, garsoorkuna uu u noqdo mid dadka oo dhan ay ku qanacsan yihiin.

–Dhamaad—

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com