Kulan Lagu Taageerayo Doorka Dowlada Ee Jubbooyinka Oo Ohio Ka Dhacay.*Daawo Sawirada*

0

IMG_9423Columbus (AGGM):Kulankan oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada gaar aahaan jaaliyada Jubbaland ee gobolka ohio ayaa lagu lafo guray doorka qurba joogta iyo sidii ay qeyb uga noqon lahayeen xal u helida mushkilada Jubbooyinka iyaga oo qayb ka noqonaya hanaanka ay dowlada soomaaliya ku doonayso in Jubbooyinka laga bilaabo kulamo dib u heshiisiin ah.

Waxaa ka hadlay waxgarad iyo aqoonyahan waxa ayna ku dheeraadeenahmiyada ay leedahay in nabad, daganaansho, iyo is fahan laga dhex dhaliyo dadka jubbooyinka si ay uga tashadaan aayahooda danbe.

Inta badan waxa ay dadku sharaayeen xaaladihii ay goboladaasi soo mareen iyo meesha iminka ay marayaan iyaga oo muujiyay in la soo gaaray waqtigii isbadal loo dhanyahay looga hirgalin lahaa Jubbooyinka.

Safarkii quruxda badnaa ee ay dowlada Soomaaliya ku tagtay Kismaayo ayay ku muujiyeen mid indhaha dadka goboladaasi soo jiitay, taas oo iftiimisay waxyabaha ka jira goboladaasi iyo sida wali aan loogu helin hanaan dhamaytiran oo cadaalad ku qotoma 22 sano kadib.

“Waxa ay iminka soo gaartay heerkii dadka Jubbooyinka fahmi lahayeen in ay u bahanyihiin Maamul uu qarankoodu garab siinayo, kaas oo ka saara deegaanadan, dagaalo iyo colaado soo laalabtay, isla markaana dadka deegaanka u horseeda Nabad iyo sinaan dhinacyada Maamulka,Qeyraadka, iyo deegaanka oo aysan dhicin Hayb sooc sida xiliyo badna la soo maray” sidaa waxaa yiri mid ka mid ahaqoonyahanadan oo ku xeel dheeraaday dhibaatada cadaalad daradu keento iyo sida loogu bahanyahay kalsooni shacab oo xeel dheer.

Ka soo qeybgalayaasha waxa ay dowlada Soomaaliya ugu baaqeen in ay labo jibaarto dadaalada ay ku doonayso in jubbooyinka Maamul loogu dhiso iyo in laga tanaasulo maamul ay dhinac gooniya wataan kaas oo horseedi kara bur burkale.

Dadka deegaanka ayay u direen fariin ay ku tilmaameen in ay tahay dahabi, waxa ayna ku sheegeen in ay gartaan ayahooda isla markaana ay iska kaashadaan sidii looga gudbi lahaa wax gaar looleeyahay oo aan ka ahayn hanti shaqsi, maamulkuna uu noqdo mid dadka u dhex ah ayna muujiyaan rabitaankooda iyaga oo aan cidna marti u ahayn.

Waxa kulankan lagu soo bandhigay riwaayad ka hadlaysa dhibaatadii goboladasi ka dhacday, sida loogu bahanyahay in dowlada loo daayo talada tan iyo inta ay shacabka ku soo celinayso, iyo gabayo wadaniyadeed.

Waxa uuna ku soo afmeermay Jawi aad u qurux badan.

Maxamed Nuur Salaad.
Columbus Ohio

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allga;lgaduud@gmail.com