Falaagada Al Shabaab Oo Xirtay Xafiisyada Xawaalada Dahabshiil Ee Koonfurta Iyo Bartamaha Soomaaliya.

0

DahabshiilMuqdisho (AGGM): Falaagada al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay xirtay xafiisyada shirkadda xawaaladda Dahabshiil ay ku leedahay magaalooyin ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ee ay falaagadu weli gacanta ku hayso.

Al Shabaab ayaa albaabbada u laabtay xafiisyada Dahabshiil ee qeybo ka mid ah gobollada Hiiraan, Baay iyo Bakool, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda oo codsaday inaan la shaacin magacyadooda sabab la xiriirta ammaankooda.

Shirkadda Dahabshiil waxay ka mid tahay shirkadaha xawaaladaha ee ka shaqeynayay dalka iyo dibaddaba tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Falaagada al Shabaab ayaa la sheegay inay shalay soo saartay amar ay ku mamnuuceyso howlaha shirkadda ee deegaannada ay falaagadu weli ka arrimiso.

Shirkadda ayaa dhowaan ku guuleystay abaalmarinta ay bixiso hay’adda Muslim News ee dalka Britain.

Xafiisyada la xiray ee Dahabshiil ee gobollada Baay iyo Bakool ayaa ku yaalla Diinsoor, Waajid, Rabdhuure iyo Xuddur, halka kuwa gobolka Hiiraan ay ku yaallaan Buulo-burte, Maxaas, Jalalaqsi iyo tuulooyin dhowr oo ay ka mid yihiin Moqokori, Halgan, Buq-caqable, Ceel-cali, Shoow, Shoow, Buur-weyn.

Weli ma cadda sababta ka dambeysa mamnuucista shirkadda balse dadka deegaanka ayaa sheegay in falaagada al-Shabaab ay shalay wada-hadallo kula jirtay wakiillada Dahabshiil ee magaalada Diinsoor.

Xubno ka tirsan wakiillada Dahabshiil ee Diinsoor, oo codsaday inaan la xusin magacyadooda, ayaa warbaahinta u sheegay in maalintii labaad uu xiran yahay xafiiskooda, iyagoo ka gaabsaday inay ka hadlaan sababta loo xiray.

Waxay sheegeen in haataan ay socdaal wada-hadallo looga dhaadhicinayo falaagada al-Shabaab inay ka noqoto amarka ay ku xirtay xafiisyada shirkadda ee deegaannadaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com