Dowladdaha Soomaaliya Iyo Iskutaga Imaaraadka Carabta Oo Heshiis Kala Saxiixday.

0

Fowsiya-Xaaji1Abu Dhabi (AGGM): Wakaalada wararka dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta ayaa shaaciysay hishiis rasmi ah ama is afgaraad, kaasoo dhabaha u xaaraya wada shaqeyn iyo xiriir rasmi ah oo u bilaawday labada dowladdood Soomaaliya iyo dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta.

Hishiiska labada dhinac ayaa waxaa qallinka ku wada duugay Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah xubnaha wafdi ka socda dawlada federaalka Soomaaliya oo ku sugan Dubai iyo wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta Sheekh Cabdullaahi Bin Zayed Al Nahyaan.

Qodobada hisiiska ayaa dhigaya in labada dawladood ay si rasmi ah u wadaagaan xiriir heerkiisu sareeyo oo diblomaasiyadeed iyo iskaashi labada dawladood u dhexeeya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dhinaceeda sheegtay in ay safaaradeeda ka furaneyso magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya taasoo xirneyd illaa sanadkii 1992-kii markii dagaaladu ka qarxeen Soomaaliya.

Hisiiskan labada dhinac ayaa ku soo beegmaya xili madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi wasiiro ah oo uu hogaaminayo ay booqasho ku tageen dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta oo ay kulan yeesheen dhaxal sugahaha boqortooyada Imaaraadka iyo masuuliyiin kale.

Waa heshiiskii ugu horeeyay oo si rasmi ah labada dawladood u wada gaaraan tan iyo sanadkii 1992 markii ay burburtay dawladii dhexe ee Soomaaliya ayna meesha ka bexeen dhammaan xiriiradii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la lahayd caalamka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com