Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Kulan Ku Yeeshay Xarunta Gollaha Shacabka.

0

xildhibaanoMuqdisho (AGGM): Mudanayaash baarlamaanka-DFa baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay maanta xarunta gollaha shacabka, waxaana warbixin looga dhageysanayaa guddiyo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo todobaadyadii aynu soo dhaafnay socdaal ku marayay qeybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya.

Xildhibaan Max’ed Cumar Max’uud oo ka mid ah xog-hayahaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ajandaha kulanka xildhibaannada ee maanta uu yahay warbixin ay u soo gudbin doonaan gollaha xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo maalmihii aynu soo dhaafnay safar shaqo ku tagay gobollada Hiiraan, Shabeellaha dhexe, Shabeellaha hoose, Galguduud iyo Jubbada hoose.

Sidoo kale fadhiga mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee ka soconaya xarunta golllaha shacabka ayaa diirada lagu saarayaa safarada wafdiga xukuumada Soomaaliya ee uu horkacayo ra’iisal wasaare Saacid uu ku marayo gobollada dalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com