Wararki Ugu Dambeeyay Ee Magaalada Kismaayo Iyo Maxamed Ugaas Xaashi Oo Soo Dagay Hotel Tawakal.

0

maxamed ugaas xaashiKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Maxamed Ugaas Xaashi oo shalay gaaraya magaalada Kismaayo loona galbiyay xerada maleeshiyo beeleedka Raaskambooni uu maanta isaga soo baxay xerada maleeshiyo beeleedka Raaskambooni soo dagay hotel Tawakal.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Maxamed Ugaas Xaashi shalay marki la dajiyay xerada maleeshiyo beeleedka Raaskambooni uu saluugay qaabka ay wax u socdaan iyo nidaam xumada ka jirta goobtaas, islamarkaana uu goobtaas ka waaayay duubabka lagu yaqaanay inay duub u yihiin deegaanada gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Maxamed Ugaas Xaashi ayaa horey waxaa ugu digay odoyaasha dhaqanka beesha Sade ee gobolada Jubbooyinka, waxa uu maanta galinki dambe isaga soo guuray xeradi ciidan ee la dajiyay isaga oo soo dagay hotel Tawakal oo uu hadda ku sugan yahay, isaga oo islamrkiiba codsaday in uu la kulmo Suldaanka guud ee beesha Sade Maxamed Bashiir Yaroow iyo odoyaasha dhaqanka beesha Sade oo ay balan san yihiin.

Dhinaca kale ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ee fariisinta ka sameeystay warshadi hilibka ee magaalada Kismaayo Kismaayo ayaa iyaguna waxa ay wadaan maalmahan wadeen dhaq dhaqaaqyo lagu xaqiijinayo amniga magaalada Kismaayo iyagoo kaa shanaya ciidamada AMISOM.

Isku soo wada duub waxaan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto xaalada magaalada Kismaayo oo ay dhawaan booqasho u kuurgalid ah ku tageen R/wasaaraha Soomaaliya Dr. Saacid iyo wafdi ka koobnaa xukuumadiisa iyo xildhibaano kuwaa oo kulamona la qaatay odoyaasha dhaqanka, siyaasiyiinta waxgaradka iyo qeeybaha kale ee bulshoweynta Jubbooyinka iyo Gedo iyo weliba horjoogayaasha maleeshiyada Raaskambooni.

Isha Ku Hay allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com