R/wasaare Saacid Iyo Wafdigiisa Oo Booqday Qabriga Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya ALLAHA U Naxariistee Marxuum Maxamed Siyaad Barre.

0

top newsGarbahaareey (AGGM):R/wasaaraha xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya oo ay wehliyaan xubno ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa booqasho ku tagay Qabiriga ALLAHA u naxariiste Madaxweynihii hore ee dowladii dhexe ee Soomaaliya Marxuum Maxamed Siyaad Barre.

Wafdiga uu hoggaaminayo R/wasaaraha ee maanta tagay Gobolka Gado ayaa waxaa ay booqdeen qeybo ka mid ah magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gado.

Goobihii ay booqdeen R/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa ka mid ahaa Qabriga uu ku aasan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  ALLAHA u naxariiste Maxamed Siyaad Barre iyagoona ku aqriyay duco iyo Qur’aanka Kariimka.

R/wasaaraha ayaa ALLAH SUBXAANAHU WATACAALAA uga baryay in uu janadii Fardowso ka waraabiyo waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay cafiyaan.

R/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in ay kulamo gooni gooni ah la qaataan mamulka maamulka, saraakiisha ciidanka shacabka iyo Odayaasha dhaqanka si looga arrinsado qorshaha xukuumada ay maamulka ugu sameyneyso gobollada dalka.

Filo Dhawaan Sawirada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com