Axmed Madoobe Oo Codsadey Shirka Socda Loo Bedelo Dib U Heshiisin & Kooxo Jarka Ka Tuuraya.

0

Axmed-Madoobe1Kismaayo (AGGM): Ka Dib khilaafkii xoogaana ee soo kala dhex galay Hogaanka Jamhadda Raaskambooni Iyo Dawladda Soomaaliya,waxaa la shaaciyey inuu Axmed Madoobe uu gar waaqsadey inuu dib u fiiriyo mustaqbalkiisa gobollada jubooyinka inuu nabad ugu sii noolaado iyo inuu xil ka qabto haba ahaato taliye boolis ee.

Axmed Madoobe ayaa la sheegey inuu kulamo saacado badan oo xalay ah socday uu la yeeshay waxgaradka gobollada Jubooyinka iyo Gedo,waxaana uu u soo jeediyey in shirkan loo bedelo dib u heshiisin inta dawladda soomaaliya ah qorshe keeneyso,Waxaana la shaaciyey in waxgaradku arrintaasi ku raaceen.

Ka dib kulankaasi,waxaa la xaqiijiyey inay ka war heleen kooxo ku sugan magaalada kismaayo isla markaasna asal ahaan ka soo jeeda degaanada Puntland,waxaana la shaaciyey inay markiiba arrimahaasi ku wargeliyeen Madaxweynaha maamulka Puntland una sheegeen inuu arrintaasi Axmed Madoobe soo jeediyey.

Waxa markiiba khadka taleefoonka ku soo wacay Axmed Madoobe Madaxweyne Faroole iyo Cabdi Iley oo sheegeyn inuu go,aankiisa ku adkeysto isla markaasna uu hore u wado shirka maamul u sameynta gobollada Jubooyinka,Waxaana Axmed Madoobe sheegey in taladu ka go,ado iyaga isla markaasna uu sii wadi doono hawlaha maamul u sameynta gobollada Jubooyinka.

Dhinaca kale waxaa la sheegey inuu Axmed Madoobe walaac iyo welwel ka qabo ciidamada dawladda Soomaaliya ee ku sugan gudaha magaalada kuwaasi oo fariisimo ka sameystey goobo muhiim,waxaana ciidamadaasi yihiin kuwo ka amar qaata dawladda soomaaliya oo aan ogoleyn in maamul laga sameeyo gobollada jubooyin aysan dawladda waxba ka ogeyn.

Axmed Madoobe oo aad mooday inuu gartey qaabkii mustaqbalkiisu ku jirey ayaa la moodaa inay ka marin habaabiyeen kooxo diidan inuu Axmed Madoobe wax ka noqdo gobollada jubooyinka iyo Gedo kuwaasi oo doonaya inay booska ka baneystaan arrimo siyaasadeed u maleegaya Axmed madoobe oo ah inay ka riixdaan magaalada kismaayo iyo gobollada jubooyinka oo idil.

Faroole waxaa mooda inuu ku guuleystey inuu marin habaabiyo Axmed Madoobe balse Axmed Madoobe ma ogsoona wax meesha ka socda iyo meesha loo rucleynayo,taas oo ah sidii Axmed madoobe aan dib dambe loogu maqal arrimaha jubooyinka,waxaana la dhihi karaa Faroole Role kiisa siyaasadeed ee uu la damacsanaa Axmed madoobe waa uu la helay,shabaqana wa ugu jiraa.

Gebagabadii waxaa muuqata in Axmed Madoobe mustaqbalkiisa gobollada jubooyinka uu mugdi sii galayo,,waxaana uu saacadihii dambe damcay inuu mustaqbalkiisa gobollada jubooyinka dib u soo dhiso,balse waxaa dabin uga talaabsaday,Madaxweynaha Maamulka Garowe Cabdiraxmaan Faroole.

Daahir Xasan Yacquub.
Kismaayo,Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com