Wasiirka Hormarinta Iyo Adeega Bulshada Dowaladda Soomaaliya Oo Beenisay In Cudurka Daacuunka Uu Ka Dillacay Baladweyne.

0

MARYAN QAASIM1Baladweyne (AGGM): Wafdi ay hogaamineysay wasiirrka wasaarrada hormarinta adeega bulshada dowladda Soomaaliya Dr Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta booqatay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

Wafdiga ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa wasiirrka kheyraadka iyo xubno ka socda wasaarrada caafimaadka xukuumada Soomaaliya kuwaasoo u yimid magaalada Baladweyne in ay u kuur-galaan xaalada caafimaadka ee jira Baladweyne.

wasiirrka hormarinta adeega bulshada iyo xubnihii la socday ayaa dulleedka magaalada Baladweyne kulamo kala duwan kula qaatay mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan, saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo dhaqaatiirta gacanta ku heysa maamulka xarumaha lagu daweynayo dadka qaba cudurka shuban-biyoodka.

Markii ay dhageystay dhamaan warbixinadii ay siiyeen ama u soo jeediyeen mas’uuliyiinta maamulka gobollka iyo dhakhaatiirta ciidamada Jabuuti, waxaa ay si cad u sheegtay Dr Maryan Qaasim Axmed in aan la dhihi karin cudurka daacuun caloolaha ayaa ka dillacay magaalada Baladweyne.

‘’Markii aan aragnay xaalada, ilaa iyo hadda ma oran karno waxaa ka dillacay magaalada cudurka daacuunka, wali xaaladu waa shuban biyood iska caadi ah oo ka dhashay kuleylaha,’’ ayeey tiri wasiirka.

Wafdiga oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hor inta aysan ka ababixin Baladweyne sidoo kale waxaa ay kulamo la yeesheen mas’uuliyiinta maamusha isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne oo ay ka dhageystay warbixin la xiriirta xaalada isbitaalka.

Ilaa iyo hadda inta la og-yahay cudurka waxaa uu soo ritay dad ka badan 400 oo ruux, waxaana u dhintay dad ka badan 12 ruux oo caruur u badan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com