R/wasaare Saacid Iyo Wafdi Balaaran Oo Uu Horkacayay Oo Gaaray Magaalada Jowhar.

0

IMG_2637Jowhar (AGGM): Wafdi ka kooban wasiirro iyo xildhibaanno uu horkacayo ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa goor dhaw gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobollka Shabeellaha dhexe.

Wafdiga ra’iisal wasaaraha oo saakay safar dhulka ah uga anbabaxay magaalada Muqdisho ayaa horay u sii maray deegaannno ka tirsan gobollka oo ay maamusho dowladda Soomaaliya gaar ahaa degmada Balcad oo ah degmada labaad ee ugu weyn gobollka.

Wafdiga ra’iisal wasaaraha ayaa meel dibada ka  magaalada Jowhar waxaa uga horyimid oo ku soo dhaweeyay boqolaal dadweyne ah oo ka kooban qeybaha bulshada kuna jiraan ardey labisan dareyskii waxbarashada, waxaana uu ra’iisal wasaaruhu isaga oo lugeynaya u gacan haatinayay dadkii soo dhaweeyay.

Goobaha ganacsiga magaalada ayaa xiran, sidoo kalana dhaman dugsiyadii waxbaraashada ayaa la fasaxay, waxaana siweyn u sugaya amniga magaalada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in ay bilaabaan wafdiga wada hadallo ay la yeelanayaan maamulka gobollka iyo qeybaha bulshada, lamana oga ilaa iyo waqtiga ay qaadaneyso booqashada ra’iisal wasaaraha ee Jowhar.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com