Qeeybtii Labaad Ee Kooxda Bac Madoow Oo Gaarey Magaalada Kismaayo.

0

bac madoowKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi ay gaareen 30 nin oo wata bac madoow.

30 kan nin ee ka tirsan kooxda bacmadoow ayaa waxaa hogaaminayay Maxamed Ugaas Xaashi waxa ayna isugu jireen dad laga soo uruuriyay xerada qaxootiga ee dagmada Dooloow iyo dad tiro yar oo u dhashay gobolka Gedo.

Maxamed Ugaas Xaashi iyo wafdigiisa bacmadoow ayaa marki ay ka dageen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa loo galbiyay lana dajiyay xerada maleeshiyo beeleedka Raaskambooni kadib markii ay dadka deegaanka diideen in ay soo dhex dagaan iyaga iyo kuwi ka horeeyayba ayaa hadda ku wada sugan xerada maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Isku soo wada duuboo kooxda bac madoow ayaa waxaa ay diyaar u yihiin kuna qanacsan yihiin goob walba oo lagu sheego in uu shir ka jiro inay buuxiyaan kuraasta kana sacbiyaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com