Maxkamadda Sare Ee Dalka Kenya Oo Go’aamisey In Uhuru Kenyatta Yahay Madaxweynaha La Doortay.

0

uhuru kenyataNairobi (AGGM): Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa maanta (Sabti) go’aan ka gaartey dacwaddii uu gudbiyey Raila Odinga ee uu ku diidanaa natiijadii doorashada Madaxweynaha dalka Kenya ee uu ku guulesytey Uhuru Kenyatta ee hogaamiya Isbaheysiga TNA.

Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa go’aamisey in natiijadii soo baxdey ay tahay mid sax ah isla markaana Uhuru Kenyatta uu yahay Madaxweynaha la doortey.

Amniga ayaa si weyn loo adkeeyey maanta meelo badan oo ka mid ah dalka Kenya waxaana laga cabsi qabaa in rabshado dhacaan kadib go’aanka u danbeya ee Maxkamadda Sare marka uu soo baxo.

Go’aankan ayaa soo afjari doona doodii ka taagneyd cidda ku guuleysatey doorashadii Kenya ka dhacdey horraantii bishan Maarso 2013, taas oo Uhuru Kenyatta si dirqi ah ugu guuleystey.

Madaxweynaha xilka ka degaya Mwa Kibaki ayaa codsadey in go’aanka Maxkamadda Sare loo hoggaansamo. Labada Musharax ee ugu codka badnaa Doorashada ee kala ah Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga ayaa labaduba sheegay inay ku qanci doonaan go’aanka maxkamada kasoo baxa, balse waxaan la ogeyn in taasi ay aqbali doonaan taageerayaashooda.

Xafiiska Raysalwasaaraha looga guuleystey tartanka ayaa laga soo xiganayaa in uu qabanayo Raila Odinga war-saxaafadeed uu uga hadlaayo go’aanka Maxkamaddu gaartey.

Natiijadii doorashooyinkii hore ee dalka Kenya sanadkii 2007 – 2008 ayaa rabshado xoog badan ka dhasheen waxaana ku dhintey dad ka badan 1000 qof, kadib markii rabshaduhu isu beddeleen kuwo Isir salka ku haya.

Uhuru Kenyatta ayaa noqonaya madaxweynihii 4aad ee dalka Kenya waana wiil uu dhalay Madaxweynihii u horeeyey ee Kenya Joma Kenyatta, waxaa xilka loo dhaarinayaa maalinta Salaasada ah ee ku beegan 9 Abril 2013, waxaana lagu dhaarinayaa Kasarani.

Madaxweynaha la doortey ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxaa dacwad uga furantahay Maxkamadda Denbiyada Dagaalka ee The Hague, waxaana uu maxkamadda ka codsadey in dacwaddaas la laabo taas oo aan weli u suurta gelin, denibiyada loo haysto ayaa salka ku haya rabshadihii doorashooyinkii hore iyo doorka uu ku lahaa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com