Fanaanka Qaranka Jooqle Shire Jaamac ''Cayaar Jecel" Oo Ka Badbaaday Isku Day Dil‏.

0

JooqleNairobi (AGGM): Fanaanka Qaranka soomaaliyeed ee Jooqle shire Jaamac “Cayaar Jecel”ayaa waxaa uu ka soo kabanaya dhaawac ay u geysteen Koox aan la garaneen magalada Nairobi.

Fanaanka kooxda Qaylo dhaan ayaa waxaa uu dhawaanahan ku sugnaa magalada Nairobi halkaas oo ka waday barnaamijyo wacyigalin dhinaca arimaha bulshada ah,waxaana uu mudadaasi uu sameyay heeso badan oo la xiriira arimaha wacyigalinta.

Jooqle oo maanta aan qadka Taleefonka aan ku tiigsaday ayaaa ii sheegay in uu wanaagsan yahay Bulshada soomaliyeed u mahad celinayo intii soo xustay iyo inta kaleba,waxaana uu rajeyay in ay ka guuleystaan kooxo  danbiilayaal uu ku sheegay.

“haa waan wanaagsanahay waxay isku dayeen in ay i dilaan Laba Tooreey ayeey igu dhufteen Garabka iyo Gacanta Bidix meel dusheeda ah,laakiin hada waan wanaagsanahay” ayuu hadalkiisa ku yiri Jooqle.

Mar aan wax ka weydiiyay cida sida rasmiga uu ugu tuhmaayo arintani ayuu sheegay in ay ka danbeeya waxaa uu ugu yeeray cadowga umada soomaaliyeed,isagoona si cad u sheegay in uu sii wadi doono Halkgankiisa la dagaalanka dhib wadayaasha waxa uu ugu yeeray.

Ugu danbeytiina xaalada Fanaanka Qaranka ee kooxda Qaylo-dhaan ayaa wanaagsan,waxaana uu joogaa guriga uu ka dagan yahay magalada Nairobi,isagoona wata hawlihiisa caadiga ah,waxaana uu shacabka iyo taageerayaashiisa u diray Salaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com