Fadeexad Iyo Ceeb Soo Waajahday Mid Ka Mid Ah Siyaasiyiinta Ugu Caansan Soomaalida Dalka Norway *Daawo Muuqaal+Warbixin*

0

politiOslo (AGGM): Fadeexad iyo ceeb tii ugu xumeyd abid ayaa waxaa la sheegay inay qabsatey mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan Soomaalida dalka Norway ka dib markii ay ku soo baxday been iyo wax isdamaris.

Ninkaan oo lagu magcaabo Khalid Axmed oo 37 sano jir ah oo ka tirsanaan jirey xisbiga shaqaalaha ee dalka Norway dhawaantaanse iska casilay ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday fadeexad iyo ceeb weyn oo ku saabsan inuu ka been sheegay wareysigiisii qaxootinimo ee sjarciga lagu siiyey,

Ninkaan oo ay weheliyaan qoyskiisa oo soo galay dalkaas Norway sanadkii 2002 ayaa waxaa uu sheegtay inuu yahay qaxooti ka soo cararay dalka Soomaaliya xilli uu ninkaas dhalasho ahaan ka soo jeedo oo uuna ka yimid dalka Jabuuti,

Booliiska dalka Norway oo dhawaantaan qabtey ninkaas oo xabsigana dhigay ayaa waxaa ay wareysanayeen mudo saacado ah asagoona ninkaas uu ugu dambeyntii qirtey inuusan ahayn cida uu sheeganaayo oo uuna ka been sheegay wareysigiisa, ninkaan ayaa qirtay inuu yahay nin reer Jabuuti ah islamarkaana uu sidoo kale ka been sheegay dhalashadiisa oo uuna qariyey ama uu cunay 4 sanadood asagoona sheegtay inuu dhashay sanadkii 1979 halka uu caadi ahaan dhashay sanadkii 1975,

Ninkaan oo ahaan jirey nin siyaasi ah oo laga qadariyo dalka Norway islamarkaana xubin muhiim ah ka ahaa xisbiga shaqaalaha kana howlgali jirey magaalooyinka Hamar iyo guud ahaan gobolka Hedmark ee dalkaas Norway ayaa hada waxaa uu noqday qof lag aamin baxay oo mudo ka badan 10 sanadood been ku noolaa.

Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaas ay soo wajahday ceebtaas foosha xun ayaa waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay ciqaab kasta oo la mariyo maadaama uu asagu ka masuul yahay waxa dhacay,

Ninkaan oo ay arintiisu tahay mid cakiran ayaa hadii la fiiriyo waxaa dhici karta in lagala noqda wax walba oo la siiyey maadaama uu sharciga iyo dhalashada dalka Norway uu ku qaatay sheeko gebi ahaanba been ah oo aan jirin, Ninkaan oo goobo badan hadalo ka jeedin jirey ayaa arintaas ka raali galiyey dadka maadaama uu ahaa qof waxa uu sheegaanaayo ay been ahayd, Ninkaan oo ka badbaaday falkii argagaxisanimada,

Sanadkii 2011 ee jasiirada Utoya ee dalka Norway ayaa waxaa halkaas ku dhintey walaalkiis ka yar oo la oran jirey Ismaaciil Axmed Haweeney salkaal ah oo u hadashay booliiska dalka Norway oo lagu magacaabo Britha Rųkenes ayaa waxay sheegtay inay wadaan baaritaan ku saabsan arimaha ninkaas islamarkaasna uu ninkaas ka been sheegay codsigiisii qaxootinimo mud dheerna uu ku jirey beentaas,

Arinta ninkaan ayaa waxay tahay mid adag inkastoo uu asagu codsaday inuu wax walba diyaar u yahay laakiin aan wadanka laga musaafurin arintaas iyo codsiga ninaas ayaan la ogeyn waxay dowlada Norway ka yeeli doonto.

Xigasho: Allssc.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com