Dowaladda Isutaga Imaaraadka Oo Sheegay Inay Dib U Furanayaan Safaaradoodii Soomaaliya.

0

20130329RC_C5_4778Abu Dhabi (AGGM): Wadanka  Isku-taga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa uu  shaaca ka qaaday in uu dib magaalada Muqdisho ee caasimadda dalkeena  Soomaaliya uga furan doono safaaraddii uu halkaasi ku lahaa jiray.

Maxamed Bin Sayed Al Nahyan dhaxal-sugaha boqortooyada Imaaraadka Carabta  ayaa arrintan sheegay kaddib markii uu xalay magaalada Abu-Dhabi kula kulamay madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliye mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Masuuliyiintan  ayaa ka wada-hadlay xiriirka labada dal ee dhinacyada horumarinta, dhaqaalaha iyo waxbarashada, iyadoo uu dhaxal-suguhu soo dhoweeyay dedaallada lagu sugayo amniga shacabka ee ay dowladda ku guulaysatay muddooyinkii ugu dambeeyay.

Maxamed Bin Sayed Al Nahyan dhaxal-sugaha boqortooyada Imaaraadka Carabta  ayaa sheegay in dowladda Imaaraadku ay labo jibbaari doonto taageerada ay u fidiso dowladda federaalkna  Soomaaliya.

22-kii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa xirnayd  Safaaradii dalka Isku-tagga Imaaraadka Carabta ee ku lahayd magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com