5 Miino Oo Lagu Aasay Qaar Kamid Ah Wadooyinka Magaalada Kismaayo Oo Xalay Iyo Maanta Laga Soo Saaray.

0

SAM_0758 (2)Kismaayo (AGGM): Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa ku guulaystay inay helaan xog ku saabsan shan miino oo dhulka lagu aasay, kuwaas oo la doonayay in lagu waxyeelleeyo R/wasaaraha Soomaaliya iyo saraakiisha dowladda ee ku sugan magaalada Kismaayo, sida ay inoo sheegeen sarakiil ciidan oo Kismaayo ku sugan.

Qaar ka tirsan dadka deeggan xaafadaha Farjano iyo Calanleey ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in xalay iyo ilaa saakay ay ciidamada dowladda iyo ciidamada dalka Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ay miinyooyinka ka soo saareen goobo ka tirsan xaafadahaas.

Miinooyinka saddex ka tirsan xalay la ogaaday halkii lagu aasay, si nabdoonna loo soo saaray, halka labada kalena la helay saaka, isla goobtii ay ku jireenna lagu qarxiyay.

Miinooyinka waxaa laga helay agagaarka halka ay deggan yihiin saraakiisha dowladda ee magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com