R/wasaare Saacid Oo Booqday Dekedda Magaalada Kismaayo.

0

saacid44Muqdisho (AGGM): Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo labadii cisho ee la soo dhaafhayba  ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa maanta booqday dekadda magaaalada Kismaayo oo ay howlo shaqo ka socdaan.

Ra’iisal wasaaraha oo ay booqashadiisa ku wehlinayeen Wasiirrka gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi, guddoomiyaha maamulka ku-meel-gaarka ah ee Kismaayo Sheekh Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiin kale ayuu ku soo wareegay ra’iisal wasaare Saacid qeybaha ay dekedda ka kooban tahay.

‘’Mudadii uu ku sugnaa ra’iisal wasaaaraha waxaa uu kuur-galay xaalada guud iyo waliba howlaha ka socda dekedda, isaga oo warbixin ka dhageystay howl-wadeenada,’’ ayuu yiri mid ka mid ah mas’uuliyiintii la soctay ra’iisal wasaaraha.

Sidoo kale, ra’iisal wasaaaraha waxaa uu tagay xerada Shirkolle oo hadda fariisin u ah ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, isagoo la kulmay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada ee xerada ku sugan.

Dekadda uu maanta booqday ra’iisal wasaaraha ayaa qiyaastii 17km u jirta magaalada Kismaayo, waxaana xiligaa fadhiyay Doomo sida la sheegay qaarkood alab laga dajinayay, halka kuwa kalana lagu rarayay badeeco kala duwan.

Wafdiga ra’iisal wasaaraha ee  ku sugan magaalada Kismaayo ayaa wada hadallo halkaa kula leh maamulka magaalada oo ay siweyn isugu maan dhaafsan yihiin dhismaha maamulka Jubba-land oo ay dowladdu siweyn uga biyo diidan tahay.

Filo Dhawaan Sawirada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com